“….Ninka Odhanaya [Waqooyiga Hargeysa] dagaal baan ka geyaa, Isagaa Og Halkuu Dagaalka Ka Ridayo, Ereyada Caynkaas Ahina Wax La Aqbali Karo Ma aha’ee……..”
Hargeysa (Hubaal)- Xukuumadda Somaliland ayaa si adag uga digtay cidhib-xumada ay dambar-san doonaan cid kasta oo isku dayda in ay qalalaanse geliso fulinta go’aan laga soo saaray lix goobood oo ku yaalla waqooyiga Hargeysa kuwaasi oo ay dawladdu ka qaaday cunaqabatayn hore ay u saarnayd codaynta doorashooyinka. Odayaal iyo mas’uuliyiin ka soo kala jeeda deegannada ku muransan goobahan iyo sida looga codayn doono dhawaan baaqyo kala duwan ka soo saaray qaddiyada kasoo cusboonaatay go’aanka xukuumaddu ay xayiraada kaga qaaday ayaa hadallo ay warbaahinta isu mariyeen siyaabo taban ugu goodiyey hanjabaado ka dhan ah haddii goobahan la dhigo sanaduuqda diiiwaangelinta iyo kuwa codbixintan.
Jawaabta Xukuumadda
Wasiiru-dawlaha Amniga ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa jawaab ka bixiyey hadallo xanaf dhadhamay oo ka soo yeedhay odayaal naqdiyey go’aanka xukuumadda ee arrimaha lixdan goobood. Waxaanu sheegay in hadalkaasi uu yahay mid cadho ka keentay oo odayaasha si taban wax looga dhaadhiciyey, taas bedelkeedase ay xukuumad ahaan hore go’;aan uga qaadatay arrintan, kuna dhaqaaqayso fulintiisa. “Odayaasha hadlay si qaldan baa wax loogu sheegay ee ilama aha inay ereyadan yidhaahdeen in uu erey cadho hadal ah yahay baan u arkayaa”. Sidaa ayuu yidhi wasiiru-dawlaha Amniga ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye oo shalay magaallada Hargeysa kula Hadlay qaar kamid ah warbaahinta qaranka, waxaanu intaa ku daray “Dawladdu wixii ay dan moodo ama go’aan ah ee ay qaadato wey felinaysaa oo dee iyadu la tashi malaha wixii go’aan ah ee ay qaadato. Hase yeeshee qoddobkan dadka waa lagala tashaday oo wax baa laga weydiiyey”.
Wasiir Maxamed Muuse Diiriye oo sii faahfaahinaya sida loo qabanayo diiwaangelinta codbixiyeyaasha goobahaas lixda ah ee xayiran iyo xilliga ay habboontahay in la dhigo sanaaduuqda waxaa uu sheegay in saddexda doorasho ee qaranka midkood uun xilligan laga codayn doono goobahaas halka labada kale aan laga codaynayn illaa ay go’aan ka soo saarayso xukuumaddu “ goobahaas xilliga doorashada heer madaxweyne waa laga qabanayaa [laga codaynayaa], hase ahaatee sida aanu hore qoraalka ugu soo saarnayba doorashooyinka golaha deegaanka iyo kuwa baarlamaanka illaa go’aan laga gaadhayo laga qaban maayo doorasho, Markaa dadku inay fahmaan weeye. Ninka ku baaqaya ama dagaal baan ka geyaa [goobahaas] odhanayaa isagaa halkuu dagaalka ka ridayo og, dawladduna ereyada caynkaas ah fiiro gaar ah ayay u leedahay oo wax la aqbali karo maaha. Waxaa la yidhaahdaa af-xumaaday uun buu ka yimaadaa addinkuna, sidaas darteed ninka dadka isugu dhiibaya wax [dagaal] isagaa cirka roob ku og, sidaasi darteed odayaal; dhul cidi kala qaadi kartaa ma jirto, cid wax kala dhici kartaana ma jirto, oo Somaliland baynu wada nahay, goobahaasna diiwaangelintu wey ka hirgeli doontaa, waxaanay uga hirgeli doontaa hore ayaa go’aanka loo gaadhay oo dadkii deegaanka ayaa intoodna xilligedii sugeen in kalena ay goobihii kale ee u dhawaa tageen oo iska diiwaangeliyeen, sidaasi oo ay tahay annagu ka xukuumad ahaan baaq baanu soo saarnay oo waxaanu nidhi goobahaas waxaa lala diiwaangelinayaa Sagaan, haddii ay sanaag qabsoomi weydana Sool baa lala diiwaangelinayaa baanu nidhi, ninka meel kale tegey ee iska diiwaangeliyey ee is yidhi waqtigu yaanu kaa dhicinna wuu ku mahadsan yahay intii aan is diiwaangelinina way is diiwaangelin doontaa, cid meel looga keenayo iyo dad loo soo rarayaa tooni ma jirto”. Sidaa ayuu yidhi wasiiru-dawlaha amniga ee wasaaradda arrimaha guduhu Md. Maxamed Muuse Diiriye.