“Af-xumada Ay Calooshood-u-shaqaysteyaashani Ku Hayaan Madaxda Qaranka Waxa Ugu Dembeysay Tii Guddoomiyaha Maxakamadda Sare”

0
365

“Waxaan ku leeyahay Cabdiraxmaanoow qadari oo dhug  u yeello Farriinta umadda” War-murtiyeed Uu Soo Saaray  Suldaanka Guud Ee Beellaha Gabooye

 

 

 

 

 

Hargeysa (Hubaal)- Suldaanka Guud Eeb eellaha Gabooye Suldaan Naasir Suldaan Cabdi ayaa war-murtiyteed uu kasoo saaray magaallada Hargeysa oo uu xalay ku faafiyey bartiisa Facebook-ga waxaa uu kaga hadlay rag uu sheegay in ay xisbiga WADDANI dabada ku hayaan oo aflegaado iyo qadaf ku haya madaxda qaranka iyaga oo magaca beeshiisa ku maxaafsanaya. Suldaanku waxaa uu si gaar ah ugu duray xisbiga WADDANI in uu lacag ku bixiyo rag cumaammado suuqa ka iibsaday oo af xumo ku haya madaxda qaranka. Warmurtiyeedkan oo faahfaahsani waxaa uu suldaanka ku yidhi   “Waxa wax la layaabo ah afar calooshood u shaqaystayaal ah oo ka muraaradilaacay rabitaanka ummadda beelaha Muuse Dheriyo iyo kuwa ay bahwadaagta yihiin ee kala ah; Tumaal, Madhibaan iyo Yibroba, kuwaas oo magaalada Burco Xalay ku cadeeyey mowqifkooda kuna beeniyeen beenaalayaasha naar quutayaasha ah ee xisbiyadda dhex meereysta, ee shilinkii iyo waxoogaygii uu ku gali lahaa campainka ka dhameeyey musharraxa sharafta aanu u hayno ee Cabdiraxmaan cirro. Horena Cabdiraxmaan iyo inta ka ag dhowba waan ugu cadeeyey qolyaha cumamadaha suuqa ladhex wareega ee xisbiyada ku mabay ee loojineerika ah, ee caadaddoodu tahay yaanu u aakhiro seegnaa ama maalinba madaxda qaranka mid caaya oo ceebeeya, ujeedkooduna uu ka fog yahay Somaliland xaaladeeda. Kuwaas oo afxumadii ugu dambaysay kula kacay gudoomiyaha maxkmada sare iyo madaxda qaranka guud ahaantoodba, caydooda iyo ceebaynta macna darada ah ee ay habeen iyo maalinba ay kula kacaan siiba ,madaxweynaheena sharafta qaranka huwan iyo marwadiisa sharafta mudanba.

 

Kuwaas ooo xataa madaxda ciidamada qaranka ee uu ugu horeeyo taliye Cabdillahi Fadal Iimaan kula kacay afxumo oo ay habeen iyo maalinba kula kacaan musharraxa xisbiga Kulmiye mudane Muuse Biixi Cabdi, taas oo ay ugu adeegayaan cadawga dalkani leeyahay, balse habeen saddexaadkii ay gabdhihii halkan ka hadlayay ay cadeeyen naar quutayaashaasi iyagu caadaystay cayda madaxda qaranka ku in aanay matalin, cumaamaduna aanay ahayn mid ay umaddi saaratay ee ay yihiin mid ay calooshooda ugu shaqaystaan oo kaliya.

 

Madaxweyne Siilaanyo-na barigi doorashadi hore ayaan ugu sheegay fariin cad oo aan media-ha u mariyay oo waxaan ku idhi; “kuwan habeen iyo maalinba caadaystay cayda madaxweynaha mudane Daahir Rayaale Kaahin, waa kuwo caydoodu ay fara badan tahay macna badana ay leedahay aakhirkana adiga ayay cirdigaaga iyo sharaftaada wax ka sheegi doonaane, mudane madaxweyne maaha nimankani kuwii aad moodaysay ee umadda iyo Illaahayba ay samada ka caleemasaareen ee waa kuwo aan adiga iyo qaran kaba aan u adeegayn oo cumamadahan hunguri iyo calooshooda ugu shaqeeya cid kalana u adeegaya ee balse waad nala arki haddii Alle ogolaado.

 

Cabdiraxman cirro isna waxaan u cadeeyey habeen uu is sharaxayey wiil dhalin yara ahi wakhtigii golaha deegaanka waxana markhaati ahaa mudane Cirro iyo siyaasiga reer Somaliland ee reer Awdal mudane Codyare, Balse waxaa maanta ugu filan jawaab taas bulshada ka timid ee ay madaxdii qarankana kaga raali galinayeen, habaarkii iyo caydii laf jabka ahayd ee ay qolyaha naar quutayaashu ay kula kaceen madaxda qaranka.

 

Waxaanan leeyahay war caloolihi xaaranta iyo beenta aydun ku ridi jirteen ee aydun xisbiyada ladhex meeraysan jirteen, waa taa umaddii hadashay ee tidhi uf beenaalayaashii beenta u sheegayay madaxda qarankow, Cabdiraxmaana waxay yidhaahdeen mudane cabdiraxmaanow beenaalayaashaasi been bay ku sheegeene yaanay shilinka kaa dhamaynin, Waanu ku jecel nahay xisbigana annagaa xisbi qaran kaaga dhignay, annagaa kuugu ducaynay in uu ururkan illahay xisbi qaran kaaga dhigo, Waliba waanu kula leenahaye, Yaanay been danbe kuugu sheekaynin naar quutayaashan aad beentooda arkaysid, dadki Hargeysina waa kuwii hore kuugu cadeeyey mawqifkoodiiye, Boramana waa kuwii kuu cadeeyey in ay yihiin nimankaasi niman calooshood ushaqaystayaala oo aan gobolka Awdal u dhalanine, Anigoo ah suldaankii guud ee umadda ahna ninkii kuugu duceeyey ururkii yaraana ee uu illaahay kaaga dhigay xisbiga qaran, waxaan ku leeyahay walaahi waa jawaab umadda ka timid oo aan xataa musharaxa dhigaaga ah ee Muuse Biixi cabdina wax war ah, kamuu haynin habeen iyo maalinba umadda iyo odayaashii Hargaysa laguugu keenayba iyaga xisbiga kulmiye cagahooga ku tagay, doortayna maanta in ay hiil iyo hooba codkooda siiyaan mudane Muuse Biixi Cabdiye annagana ducadii ayey na weydiisteen aanu illahay ugu baryi jirnay dalka, dadka, iyo madaxda qarankaba Waxaan ku leeyahay Cabdiraxmaanoow Fariinta umadda qadariyoo dhug ugu yeelo”, Alla Weyn Isagaana Qofkuu Doonayo Doora

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here