Afar Qof Oo Maanta Ku Dhaawacmay Xabad Kaga Qaraxday Askari Iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Oo Faah Faahin Ka Bixiyey

0
22

Hargeysa(Hubaal) -Laba qof oo shicib ah iyo sida oo kale laba qof oo iyaguna ka tirsan ciidanka Booliska Somaliland ka dib markii Askari ka tirsan Ciidamada Booliska Somaliland ay Xabadi kaga qaraxday.

kaalinta cajab

Falkan ayaa ka dhacay Badhtamaha Hargeysa, gaar ahaana Kaalinta Shidaalka ee Cajab. Si rasmi ah looma oga sababta dhabta ah ee ka dambaysay Dhaawaca dadkaasi, balse wararka ayaa sheegaya in Askariga dhaawaca gaystay iyo askar la socday isku dayeen in Gaadhi wadada xidhay ay meesha ka dhaqaajiyaan, balse Qoriga Askarigaasi sitay si Kama ah ugu qarxay, dadkaasi dhaawacmay.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan oo Warbaahinta kula hadlay Cisbitaalka Hargeysa oo lagu dawaynayo dadka dhaawaca ah ayaa si kooban uga hadlay dhacdadaasi waxaanu yidhi

“ Arintaasi Imikuun bay dhacday, baadhistii ayaanu imika bilawnay oo baadhista ka hor dhici maayo, laba qof oo shicib ah iyo laba Askari ayaa dhaawac ah, baadhista ka hor dhici maayo, falkuna hadda ayuu dhacay kana hor dhici maayo baadhistaasi, wixii dambena dib ayaanu ka soo sheegi”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here