AFARTA WASIIR EEN DHICIN IYO TALADA MADAXWEYNE SILAANYO MAYLA ARAGTEEN!!! Qalinka. Mawliid Aadan Cumar.

0
33

MAWLIID-DHEERETaariikhdu waa isbedelka nolosha noolaha iyo bey’adda Illaahay ku uumay oo si taxane ah loo qoray loona sameeyay magacyo laysla yaqaan oo dhamaan aadamaha dunidan kunool muslin iyo gaalba ay ka siman yihiin isticmaalkeda inkasta oo ay jiraan astaamo iyo tafaasiil ay ku kala qotomaan.

Hadaba taariikhda oo ah qodobka ku lamaan nolosha aadamaha iyo isbedelada dhacdooyinka dabiiciga ah iyo kuwa sanaaciga ahba ma soo koobi karo balse intaasi xusid inoogu filan.

Sidaasi awgeed qormadan halku dhigeedu yahay { AFARTA WASIIR EEN DHICIN IYO TALADA ODAYGA  MAYLA ARAGTAAN!!!}

Waxay si kooban u iftiiminaysaa sooyaalka taariikhda hogaamineed ee madaxweynayaashii soo maamulay sadex iyo labaatankii sanadood ee ay somaliland madaxbanaanideeda dib ula soo noqotay, sidoo kale waxay qormadani tibaaxo ka bixinaysaa labada hab maamul ee nidaamkii Axdi-qarameedkii beelaha ku wada dhaqan somaliland, Iyo Nidaamka Asxaabta siyaasada ee xorta ahi waxay ku kala duwan yihiin iyo in kala duwanaanshahi wax  isbedel ah ku sameeyay bulshada somaliland guud ahaan ama gaar ahaan qaybo ka mid ah bulshada.

Hadaba marka aan dib uraacno sooyaalka taariikhda maamul ee madaxdii soo hogaamiyay somaliland waxaan ku bilaabayaa madaxweynihii ugu horeeyay ee somaliland AHUN. Marxuum C/Raxmaan Axmed Cali (Tuur) Waxa uu ahaa hogaamiyihii ururkii SNM ee keenay xoriyada iyo madax-banaanida somaliland sanadkii 1991 waxa uu noqday M/weynihii Kowaad ee loo dortay jamhuuriyadda somaliland oo dib uga noqotay midnimadii somaliland iyo somaliya1960, Sidaasi Awgeed Madaxweyne marxuum c/raxmaan waxa uu ku suntan yahay taariikhda somaliland laba qodob oo taariikhda s/land dhismaheeda ah, waana Dib u xorayntii s/land hogaaminteedi iyo Ku dhawaaqistii madaxbanaanida somaliland hogaamiyaheedi kowaad.

Sidaas awgeed ka dib markii Marxuum C/raxmaan-tuur loo caleemo saaray hogaamiyaha qaranka somaliland inuu madaxweyne ka ahaado Laba sanadood wuxuu dhisay gole xukuumadeed iyo dhamaan hay’adihii dawliga ahaa wuxuuna dhidibada u taagay qaabkii ama hanaankii dawladnimo.

Intaasi kadib hogaamintii maamul ee marxuum M/weyne C/raxmaan waxay si xawli ah u dhaqaaqday 1991 May 28 Ilaa March 1992 hadaba qofkasta oo xogogaal u ahaa dhismihii qaranimo ee wakhtigaas uu madaxweynaha ahaa marxuum C/raxmaan wuxuu ka markhaati furayaa in tobankaa bilood ee u horeeyay ka dib ay ka xoog badatay mucaaridad ay kula kaceen garabkii calan-casta oo aad uga soo horjeeday hogaaminta marxuum madaxweyne c/raxmaan mucaaridadaasina waxay sababtay in saraakishi calan-castu Beel beel u qaybiyaan ciidamadii SNM ee dawladu qaramaynaysay ciidan qaran oo ka kooban dhamaan beelaha somaliland taasina waxay sababtay inay kala dhaqaaqan Guutooyinkii u horeeyay ee laga dhigaayay ciidamo qaran.

Hadaba qormadan hogaaminta madaxweynayaashii u kala danbeeyay maamulka somaliland iyo sooyaalkoodii maamul waxay inoo qiimayn doontaa madaxweynayaashaasi habkii maamul iyo duruufihii la soo darsay nidaamka dawladeed ee ay inagu hogaaminayeen, sidaasi awgeed Madaxweyne Marxuum C/Raxmaan wuxuu la kowsadey duruuftii ugu adkayd ee qaranka somaliland ka soo gudbo, duruuftaasina waxay ahayd tafaafulka iyo dagaalkaas ay kala hor yimaaden  saraakiishii calan-casta ahaa oo ka faa’iidaystay awood la’aanta nidaamka dawladeed oo taagnaa dhibkii kowaad ee dhismaha qaran madax-banaan, sida xaqiiqadu tahay waxaa lagu tilmaami karaa kooxdaas calan-casta ahayd cadawgii ugu xumaa ee somara somaliland.

Hadaba qaybta kowaad ee qormadan waxaan ku soo koobayaa intaasi.

Hadii Allah Yidhaahna waxaan  Qaybta labaad ku dhamaystiri doona inta ka dhiman taariikhda maamul ee Madaxweyne Marxuum C/raxmaan Axmed Cali iyo sifooyinkiisi dulqaadka iyo geesinimada lahaa Insha Allah.

WABILLAAHI TAWFIIQ

Mowliid Aadan Cumar

hargeysa 4410898

mawliid1991@gmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here