AFARTA WASIIR EEN DHICIN IYO TALADA MADAXWEYNE SILAANYO MAYLA ARAGTEEN!!! Qalinka. Mawliid Aadan Cumar.Qaybta 2-aad

0
56

Qormadan sooyaalka maamul iyo hogaamiyayaashi somaliland u kala dambeeyay waxaan qaybtii kowaad si kooban uga soo hadlay  sooyaalkkii maamul ee madaxweynihii ugu horeeyay ee somaliland AHUN. Marxuum C/Raxmaan Axmed Cali (Tuur) sidaasi awgeed aniga oo qaybtan Labaad ku dhamaystiri doona taariikhda maamul ee Madaxweyne Marxuum C/raxmaan Axmed Cali iyo

MAWLIID

sifooyinkiisi dulqaadka iyo geesinimadu hormoodka ama saldhiga  u ahayd ku falan qayn doona Hadii Allah yidhaa, Waxaan dib ugu noqonayaa barbilawgii taxanaha Labaad oo ah Kadib markay kooxdii mucaaradka ku ahayd siyaasadii maamul ee M/weyne Marxuum C/Raxmaan ku guulaysteen tafaafulkii dhismaha ciidamada qaranka oo ahaa tiirka qaranimada somaliland waxaa dhamaan hoos u dhac weyni ku yimid nidaamkii maamul ee toban bilood jirka ahaa oo aan wax taageero ah ka helin xataa shacabka somaliland iyo mid dabadeed toona sabab tuna waxay ahayd ma jirin wax u kala qarsoona dawlada iyo shacabka oo dawladuna yagleel ayay ahayd shacab kuna qaxooti ayuu ka soo noqday oo isagaaba dibu dejin ka sugaayay dawlada ay dhisteen  balse waxaa dayacday hay’addaha qaramada midoobay oo maamul iyo shacab midna aan siinin wax taageero ah, hadaba mucaaridadii garabkii calan-casta oo saraakiil mulatari iyo aqoonyahanba isugu jiray oo ay mucaaridadii ay kala hor yimaadeen xukuumadii uu hogaaminaayay Marxuum C/Raxmaan Tuur mucaaridadaasi may ahayn mid siyaasad iyo ujeedo ku dhisan balse waxay ahayd mucaaridad aan waxba u tudhayn dadka shacabka ah daganaanshahooda iyo dib udejintooda, dalkan cusub ee xoriyadiisa qaatay dhismihiisa, xataa ciidamadii Jabhada SNM oo laba iyo toban sano halgan kusoo jiray inay nastaan kamay fikirin sida xaqiiqada ahna waxay mucaaridadaasi ku fadhiday {No Somaliland} ama Somaliland ha dhacdo sidaasi darteed kooxdaas calan-casta oo geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay in madaxweyne marxuum C/Raxmaan axmed cali ku dhawaaqo iscasilaad ama dalkaba ka baxo taasi ma dhicin oo way u suurtoobi weyday kooxdii calan-casta xataa iyadoo madaxweyne marxuum c/raxmaan gaadhigiisi laga dajiyay oo koox Dayday ahi kala wareegeen hadhcad kabihiina kala baxeen “waa hadaa kabihii uu Madaxweyne Marxuum C/raxmaan xidhnaa” Illaahay Ha U Naxariiste.

Hadaba markii ay intaas oo maamuus xumo ahi dhacday ee hanaankii maamulna ka baxay meesha waxay isku bedaleen ciidamadii SNMta ee laga tafaafulay inay noqdaan ciidan qaran ciidan beeleedyo jidadka ku baadha shacibkii  qaxootiga kasoo guryo noqday ee gargaarka ka sugaayay ciidankooda, sidaasi awgeed M/weyne Marxuum C/Raxmaan AHUN awooda kaliya ee kuhadhay ama uu ilaalinaya waxay ahayd in umada somaliland wax garadkeedu waji kale uga wareegto oo markale dhisme dawladeed laysugu yimaado, dhamaadkii labadii sano ee xilka madaxweynenimo loo doortay ka hor waxay madaxdhaqameedka dhamaan beelaha dalka somaliland wada degeni bilaabeen shirweyne qaran oo lagu qabtay Gobolka Awdal Boorama shirkaas waxa ka qayb galay  ku dhawaad lix boqol oo ergey oo isugu jira madaxdhaqameedka beelaha somaliland , siyaasiyiin, waxgarad, guurtida iyo aqoonyahano shirkaasi wuxu socday  Afar bilood iyo badh waxaana lagu diyaariyay Sharcigii Axdi Qarameedka beelaha somaliland ku wada heshiiyeen in dalka somaliland lagu hogaamiyo sidoo kalena waxaa lagu dhisay labada gole ee Guurtia Iyo Wakiilada oo ay u dhan yihiin dhamaan beelaha somaliland sidoo kale waxaa shirweynahaasi lagu dooratay Madaxweyne iyo Madaxweyne Ku xigeen waxaana Madaxweyne loo doortay Allah Haw Naxariistee  Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal Halka Madaxweyne Ku Xigeena loo dortay Muj. C/Raxmaan Aw Cali Faarax.

Sidaas awgeedna Madaxweyne Marxuum C/Raxmaan Axmed Cali wuxu si sharafleh ugu wareejiyay xilkii Madaxweynenimo Madaxweynihii la doortay Marxuum Madaxweyne Maxamed X.Ibraahin Cigaal Allah Haw Naxariistee.

 

Lasoco

Qaybta Saddexaad . Insha Allah

 

WABILLAAHI TAWFIIQ

Mowliid Aadan Cumar

hargeysa 4410898

mawliid1991@gmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here