Afartii fannaan ee Xidigaha Geeska Oo Maanta Maxakamadda La Horkeenay

0
33

Hargeysa(Hubaal) Fannaaniinta Xidigaha Geeska ayaa maanta markii ugu horreysay la hor keenay maxkamadda Hargeysa iyaga oo gacmaha ka katiinadeysan. Maxakamadda ayaa ku riday xukun ah todoba cisho oo Rumaan ah, iyadoo todobaad kadib sharciga mar kale la horkeeni doono.

Rumaanka ayaa yimid kadib markii Xaakimka dacwaddu booliska u sheegay inaan la soo dhammaystirin hanaanka dacwad oogista islamarkaana ay haboon tahay in nidaamka la soo dhammaystiro.

Afarta fannaan oo kala ah Nimcaan Hillaac, Xamda Queen, Maxamed Axmed Baakaal iyo Cabdiraxmaan Caydiid Cabdi ayaa booliiska Somaliland ay xidheen maalintii Axaddii iyagoo markaasi hooballadu ka soo laabtay magaalada Muqdisho.

Fannaaniintan ka tirsan Xidigaha geeska ee fadhigoodu yahay Hargeysa ayaa lagu haystaa tagitaanka Xamar, iyagoo masraxa ay ka heesayeen Calanka Somalia lagu shaqlay. Xukumadda ayaa hore u sheegtay inay fannaaniintu ka been sheegtay fasax ay dalka kaga baxeen oo ahaa inay Nairobi shaw ka soo dhigayaan balse ay Muqdisho u dhaafeen.

xukuumadda iyo xiddigaha

Guddoomiyaha Maxakamadda sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali ayaa sheegay shalay in arrinta fannaaniinta Boolisku baadhis ku samaynayo balse marka maxakamaddaha loo soo gudbiyo ay wajahayaan Caddaalad.

Wargeyska Waaheen, ayaa sheegay inuu ogaaday in laba ka mid ah Afartan fannaan Mushahar ka qaataan kana tirsan yihiin Ciidanka Booliska Somaliland, halka labada kale dhawaan ka tageen shaqada Wasaaradda Warfaafinta.

Kooxda Xidigaha geeska ayaa ku soo shaac baxay telefishanka HCTV oo gacan siiyay fankooda, iyagoo markii dambe u wareegay wasaaradda Warfaafinta, balse haatan waxay ku doodayaan inay yihiin fannaaniin Soomaalida u heesta oo bilaa xuduud ah.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here