Afhayeenka WADDANI Oo Cambaareeyay Dhalinyaro Kasoo jeeda Koonfurta Hargeysa Oo Maanta Xabsiga Loo Taxaabay

0
30

Hargeysa(Hubaal)-Afhayeenka Xisbiga Waddani Xil.Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa si kulul u cambaareeyey Xadhiga dhalinyaro kasoo jeeda Koonfurta Hargeysa oo maanta Xabsiga loo taxaabay  kuwaasoo saaka laga qabqabtay  Laamida tagta madaarka Hargeysa xili uu wadada maraayey Madaxweyne Silaanyo

ibraahim buubaaAfhayeenka oo goor dhawayd  Warbaahinta kula hadlay Magaaladda Hargeysa ayaa waxa uu Cambaareeyey isla markaasina Xukuumada ugu baaqay inay sida ugu dhakhsaha badan xoriyadooda ugu soo celiso Dhalinyarada oo tiradoodu gaadhayso 12 qof .

Afhayeenka Xisbiga Waddani Xil.Ibraahim Mahdi Buubaa oo arintaasi ka hadlaaya ayaa waxa uu yidhi “waxaan halkan ka cambaaraynayaa xadhiga 12 dhalinyaro ah oo kamida aqoonyahanka koonfurta Hargeysa oo maanta si sharci daro ah loogu xidhxidhay Hargeysa kuwaasoo lagu eedeeyey Madaxweynaha ayaad Salaami waydeen oo aad diideen salaantiisa iyo soo dhawayntiisa ,arinkan oo aanu leenahay waa tacadi badheedha oo ay xukuumadu kula kacday dhalinyaradaas”

Afhayeenka Xisbiga Waddani Xil.Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa waxa uu ugu danbayntii ugu baaqay Bulshada koonfurta Hargeysa iyo guud ahaanba Shacbiga  Somaliland inay  ka dhiidhiyaan isla markaana codkooda kaga aar goostan Xukuumadan sii dhacaysa ee Dulmiga iyo Tacadiyada baahsan baday guud ahaan Bulshada reer  Somaliland

Dhalinyadan Xabsiga loo taxaabay ayaa waxa kamida Magacyadoodii

Khaalid Axmed foodhaadhi

Ciid yuusuf cali

Cali Deeq Ismaciil

Siciiid Maxamed Jaamac

Maxamed C/raxmaan

Khaalid Ismaaciil

Maxamed Ismaaciil

Iskusoo wada duuboo dhalinyaradan ayaa hada ku xidhan Saldhiga Ibraahim Koodbuur ee Magaalada Hargeysa iyadoo aanay illaa hada wax wara kasoo saarin xukuumada Somaliland

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here