Xisbiga WADDANI Oo Shuruud Ku Xidhay Wadahadalka Xukuumaddu Ku Baaqday

0
24

Afhayeenka WADDANI oo ku dooday inay xisbi ahaan qarannimada Somaliland uga lexejeclo badan yihiin xukuumadda KULMIYE

Hargeysa (Hubaal)- Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa shuruud ku xidhay wadahadalka xukuumadda KULMIYE ugu baaqday xisbiyada mucaaridka, iyadoo ballanqaaday inay aqbalayaan gogosha martiqaadka haddii ajandaha laga hadlayo yahay muddo-kordhinta khilaafku ka taagan yahay ee madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada.

Md. Ibraahim Mahdi Buubaa oo ka mid ah xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland, ahna afhayeenka xisbiga mucaaridka ee WADDANI oo saxaafadda la hadlay maanta, ayaa inay xisbi ahaan oggol yihiin, diyaarna u yihiin gogosha wadahadalka xukuumaddu ku baaqday, balse waxa laga wadahadlayo noqdo go’aanka Guurtida iyo sidoo doorashooyinka loogu qaban lahaa waqtiga Komishanku soo bandhigeen ee 1 June 2016.

“Waxa aannu leenahay madaxweynaha ama madaxweyne-ku-xigeenka ma xuma in gogol la dhigo, khilaafkana in laga wadahadlaa ma xumo, laakiin waxaannu fahmi kari weynay  oo ummadda reer Somaliland fahmi weyday in la yidhaa go’aanka Guurtidu waa muqaddas iyo waxa laga wadahadlayaa khilaafkii go’aankaasi abuuray, labadaasina marnaba isma qabtaan, mana noqon karaan wax meel la isugu keeni karo, waxaanad ka war hayseen markii la waraysanayey Madaxweyne-ku-xigeenka (maalintii Arbacada) inuu hadalkiisa sidaas aan sheegay u dhigay. Meesha maxaa laga qabanayaa haddaan waxa laga wadahadlayo ahayn muddada sharci-darada ah ee qayrul-dastuuriga ah ee Guurtidu soo dhigtay, xukuumadduna dabada kaga riixaysay? Haddii aan kaas laga wadahadlayn, waa maxay waxa laga wadahadlayo ee gogosha loo fidiyey?” ayuu yidhi xildhibaan Buubaa.

“Waxa aannu leenahay, soona jeedinaynaa ma xuma in la wadahadlo, annaguna hore waxa aannu dadka ugu sheegnay in aannu qaranka Somaliland uga lexejeclo badanahay xukuumadda maanta jirta, markaa ma diidayno wadahadalka, waanan ogalnahay oo waanu  fadhiisanaynaa, laakiin, waxa laga wadahadlayo maaha wax kale, shuruuduna waxay tahay in laga wadahadlo muddo-kordhinta guurtidu samaysay oo aan dhinacna loo dhaafayn, waxaanu aaminsanahay, ummaddana u sheegaynaa in go’aanka Guurtidu ahaa ka abuuray khilaafka taagan, markaa ma aqbalaynno in laga wadahadlo wax aan muddo-kordhinta ahayn.”

Afhayeenka WADDANI, ayaa sidoo kale tilmaamay aanay oggolayn 10-ka bilood ee dheeraadka ku ah muddada Komishanku sheegeen inay ku qaban karaan doorashooyinka, isagoo qayrul-dastuuri ku sifeeyey go’aanka madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada loogu kordhiyey sannadka iyo 9-ka bilood, kaasoo waajibinaya inay xilka sii hayaan ilaa 27 April 2017.

“Sidaad la wada socoteenba xisbiga WADDANI wuxuu ku baaqay, horena u sheegay in aannu u hogaansami doonin, isla markaana aqbali doonin go’aanka ka soo baxay Golaha Guurtida, sidaas darteedna aanay xisbi ahaan marna ogolaan doonin wax ka badan wixii heshiiska lagu ahaa iyo muddada ay Komishanku sheegeen inay ku qaban karaan doorashooyinka oo ah 1 June 2016, balse wax kaas ka duwan aanan aqbali doonin, go’aankayaguna kaas yahay.

Waxaannu u mahadcelinayaa  shacabka Somaliland gudo iyo dibadba  sidii baaxadda lahayd ee ay noo barbar istaageen ee ay xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ku barbar istageen, waxaanan mar labaad u mahadnaqayaa beesha caalamka  oo iyaguna si fiican  oo mugle u barbar istaagay inay ilaaliyaan jiritaanka iyo dimuqraadiyada Somaliland ay dib uga soo laabato dariiqii ay qabsatay, isla markaana sida fiican ee ay uga gilgisheen, ugana soo horjeedsadeen in tacabkii ay geliyeen Somaliland lagu baabiiyo go’aankii Golaha Guurtida iyo xukuumadda Siilaanyo, taasna waannu uga mahadnaqaynaa beesha caalamka,” ayuu yidhi Afhayeenka WADDANI.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here