Afur Wadareed Uu Madaxwaynaha Suuriya Dhiiri-gelin Uga Dhigay Ciidammadiisa Ugu Sameeyey Duleedka Dimishiq

0
24

Dimishiq (Hubaal) – Madaxweynaha Suuriya Bashar Assad ayaa booqasho ku tagay goobo kamid ah dhulka uu dagaalka ka socdo ee duleedka caasimada Dimishiq si uu dhiiri gelin ugu sameeyo ciidamadiisa. Hogaamiyaha Suuriya oo inta badan  aan  lagu arag goobaha ay dadka isugu yimaadaan ayaa la afuray cutubyo kamid ah ciidamada dagaalka ku jira. Bashar Assad ayaa horaantii sanadkan bilaabay inuu ka cago jiido wadahadalkii iyo waan waantii ay Qaramada Midoobay waday, kadib markii uu taageero ka helay dowlada Ruushka. Assad-Afur-740x493Wuxuuna sheegay inuu sanadkan la wareegi doono guud ahaan dhulka ay gacanta ku hayaan xoogaga mucaaridka. Ciidamada Dawlada Suuriya iyo kuwa Ruushka ayaa qorsheenaya inay dhawaan duulaano horleh ku qaadaan dhulka bariga dalkaasi oo ay gacanta ku heyso kooxda Daacish. Dagaalka Suuriya oo socda mudo 5 sano ah ayaa waxaa la sheegaa in shacabka ku dhintay ay ka badan yihiin 200 kun oo qof.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here