Boorama(Hubaal)-Dagaal ayaa ku dhex maray Deegaanka Fulun-foolka la yidhaahdo Ciidamada Somaliland iyo Dabley hubaysan oo deegaanka ah.
Dableyda ayaa sida la sheegay waxay kamid yihiin Kooxo duur gal ah oo uu Suldaan ka soo jeeda Gobolku dabayaaqadii sanadkii tegay kaga dhawaaqay Degmada Qol u jeed ee Gobolka Awdal.
Dad goob-joogeyaal ah ayaa Gobanimonews u sheegay in Khasaare nafaddeed ka soo gaadhay dagaalkaas labada dhinac ee Ciidanka Qaranka Somaliland iyo Kooxda Falaagada ah.
Khasaaraha ayaan ilaa hada wax tiro koob ah laga helin, laakiinse waxay goob-joogeyaasha iyo Saraakiisha Dawladda ee Gobolkuba xaqiijin inay jiraan Dhaawacyo badan oo labada dhinacba ah.
Dagaalka ayaa la sheegay inuu bilaabmay Saaka Arroornimadii hore xilli ku beeganad Salaaddii Subax ka hor, waxaanu ka dhacay Meel 25KM dhinaca Galbeed kaga beegan Magaalada Boorama.
Ma jiro wax war ah oo ilaa hada ka soo baxay Xukuumadda Somaliland, kaasoo la xidhiidha dhacdadan.
Waa iska hor-imaadkii labaad ee todobaad gudihii dhex mara Ciidanka Somaliland iyo Dableyda daacada u ah Suldaanka Falaagoobay ee Abu-bakar Wabar. Horaantii todobaadkan ayaa weerar ay dableyda Reer Awdal ku qaadeen Ciidanka waxay ku Dileen Askari Boolis ah oo kamid ahaa Kolanyo Ciidan oo Kormeer samaynayay.
Weerarkaas ayaa ka dhacay isla deegaanka Maanta Iska horimaadku ka dhacay.