Hargeysa(Hubaal)- Agaasimaha Ciidanka Dab-damiska Caasimada Md.C/qaadir Cumar Haashi ayaa ka warbixiyey Guri dab qabsaday oo kuyaalay Xaafada Isha Boorama ee Magaalada Hargeysa
Agaasimaha Ciidanka Dab-damiska Caasimada Md.C/qaadir Cumar Haashi oo war kooban oo qoraala ku baahiyey boga uu ku leeyahay barta Facebook-ga ayaa waxa uuku sheegay in dab ka kacay Guri ku yaalay Xaafada Isha Boorama ee Magaalada Hargeysa kaasi oo uu sheegay inay Ciidanka Dab-damiska Caasimadu gurmad Xoogle ka galeen badbaadinta iyo bakhtiinta dabkaasi oo uu masuulkani xaqiijiyey inay ku badbaadiyeen afar caruura iyo hooyadood halka ilmihii shanaad ee qoyskani oo jiray afar bilood uu ku nafwaayey masiibada dabkani ka dhalatay
Qoraalkii uu baahiyey AgaasimahaCiidanka Dab-damiska Caasimada Md.C/qaadir Cumar Haashi ayaa waxa uu u dhignaa sidan:-
“ilmo yar baa ku Gubtey kuna dhintey guri dab qabsadey oo ku yaala xaafada isha boorame ee dagmada 31 May magaalada hargeisa kadib markii Dab ka dhashay leydh uu gubey qol ka mid ah guri ka kooban 5 qol iyada oo gurmad xoogleh oo ay fidiyeen Ciidanka Dab-damiska Caasimada Hargeisa ku badbaadiyeen 5 caruura iyo Hooyadood halka aabaha caruurta dhalay uu ka maqnaa guriga.”