Agaasimaha Ciyaaraha Oo Naqdiyey Eedo Wasiir Samsam Loogu Jeediyey Kharash Ay Miisaaniyada Ugu Dartay Dhismaha Garoomo Uu SHULAAC Stadium Ka mid Yahay

0
52

HALKAN KA AKHRI+DAAWO: Agaasimaha Guud Ee Dhalinyarada Oo Ka Hadlay Weedho Lagu Duray Wasiir Samsam Oo La Xidhiidha  Shullaac Stadium Oo ay Miisaaniyada Ku DArtay

 

Hargeysa (Hubaal)- Agaasimaha guud ee wasaaradda  dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Maxamed Xuseen Dhabbeeye Ayaa khudbad uu maalintii shalay ka jeediyey gunaanadkii shirweynihii sideedaad ee dallada dhalinyarada Somaliland waxaa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in hadallo naxli ah lagu xajiimeeyo madaxda qaranka oo Madaxweynaha iyo wasiirka Maalliyadu ka mid yihiin, kuwaas oo looga gol leeyahay in lagu majara habaabiyo  kharashaad miisaaniyada qaranka loogu daray meelo ay dallada SONYO iyo dhismaha garroomada kubadda cagta ee dalka ka mid yihiin oo aan hore uga dhex muuqan jirin miisaaniyadda. Agaasime Dhabbeeye waxaa uu sheegay in wax lagu farxo ay tahay in Dallada dhalinyarada Somaliland oo ay ku midaysan yihiin ururrada dhalinayrada ee dalka ay wasiirada maalliyadu kharash ugu darto miisaaniyada dalka ee sannadka 2017ka, sidoo kalena dhisamaha garoomada kubada cagta ee magaallooyinka loogu daro dhismahooda. hase yeeshee waxaa uu nasiib darro ku tilmaamay in baraha xidhiidhka bulshada ay dad makas ahi ku faafiyaan hadallo naxli ah oo lagu cunsuriyadaynayo wasiirrada.  Agaasime Dhabbeeye khudbada uu ka jeediyey Madasha SONYO ee shalay waxaa uu ku bilaabay sidan “Dalladani waa mid dhalinyaro oo dalka Soomalilandna u dhan yahay dhalinyaradiisii, waxaana markii ugu horreysay miisaanniyada dalka loo daray budget wax lagaga qabanayo horumarinteeda, waxaanan arkayay dad markiiba wax ka sheegaya oo leh wasiirku xaafaddoodii bay meelo ugu dartay markaasaa markay taxeen waxaa ay ku soo dareen SONYO, dee SONYO Ma xaafadda wasiirka maalliyadaa leh mise Somaliland oodhan baa wada leh. waxaan leeyahay Somaliland baa wada leh, waa taas Selel iyo Buuhoodle ay ururradoodii maanta ku jiraan ee ay xubnaha ka yihiin” sidaas ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Md. Maxamed Xuseen Dhabbeeye, waxaanu intaa ku daray “Haddii aan SONYO la wada lahayn  ma daasaska suuqyada innooga wada furan baynu wada leenanhay oo aynu miisanniyada la doonaynaa. run ahaan waxaan Madaxweynaha JSL iyo Wasiirka Maaliyadaba ku hambalyaynayaa kartidaas iyo dedaalkaa ay ku garteen inay miisaaniyaddii qaranka SONYO wax ugaga dareen, run ahaanna hore ayay u ekeyd in arrintaas loo sameeyo, maantana waan ku hambalyaynayaa”. ayuu yidhi Agaasime Dhabbeeye. Waxaa kale oo uu hadalkiisa ku ladhay arirn ku saabsan garroomada kubeda cagta ee magaallooyinka dalka laga hirgelinayo “Waxa kale oo aan wasiirka maalliyada ku hambalyaynayaa garoomada laga dhisay dalka sida Shulaac Stadium iyo Hargeisa Stadium kuwaas oo labadooduba miisaaniyada qaranka ee sannadkan ku jira, Garoonka Laascaannood roog baa la dhigay, Burco waa la dhigay, Boorama waa la dhigay, Berbera waa la dhigayaa, dhammaantood miisaaniyada ayay ku jiraan, iyada oo ay sidaas tahay haddana waxaa Facebookyada layskula wareegayaa SAMSAM waxaa ay miisaaniyada ku soo dartay Shullaac Stadium oo xaafadooda ah, laakiin xaafadooda maahee dalka Somaliland ayaa wada leh, Hargeysina waa ay u baahan tahay garroomo kale oo fara badan ee ha laga daayo naxliga”. ayuu Mr. Dhabbeeye yidhi. Gebogabadii hadalkiisa waxaa uu yidhi agaasimaha guud “Waxaan aad iyo aad u codsanayaa in dadku markay fekerayaan ee ay wax curinayaan ee ay bulshada wax u soo tebiinayaan in waxaasi noqdo wax caafimaad qaba, waayo kulligeen waxaa aynu ka wada hadalnaa inaynu qablyaallada iska dayno haddana afar qofo oo isku reer ahi markay isu yimaadaan way ku tasbiixsanayaan runtii wax laga xishoodo weeye. kuwa xukunka doonayana waxaa laga rabaa inay hadalkooda hagaajiyaan”. ayuuyidhi Agaasimaha guud ee wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Md. Maxamed Xuseen Dhabbeeye oo maalintii shalay ka hadlay gebogabadii shirweynihii sideedaad ee dallada dhalinyarada SONYO oo Hargeysa kusoo dhammaaday.


dhabbeeye

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here