Agaasimaha Cusub ee Telefishanka Qaranka Somaliland oo Xilkii la Wareegay

0
11

Hargeysa(Hubaal)- Agaasimaha cusub ee Telefishanka Qaranka Somaliland Maxamed Xasan Cali (Weji) ayaa maanta xilkii la wareegay. Waxaa xaflad ballaadhan oo lagu qabtay Xarunta Wasaaradda ka soo Qaybgalay  Wasiirka Warfaafinta, Wasiir Ku-xigeenno, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Agaasimeyaasha Waaxaha iyo Hawlwadeennada Wasaaraddaas, siyaasiyiin iyo waxgarad kala duwan.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Eng. Xuseen Buuni ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo xilka Agaasimaha Telifishanka Qaranka ee loo magacaabay Maxamed Xasan Cali (Weji) waxaanu xusay in Ra’yul-caamka bulshadu si ballaadhan u soo dhaweeyeen magacaabistiisa oo uu uga mahadceliyey Wasiirka Warfaafinta.

Agaasimaha cusub ee Telefishanka Qaranka  Maxamed Xasan Cali (Weji) ayaa sheegay inuu xilkan loo magacaabay u gudan doono si xilkasnimo leh isla markaana uu rejaynayo waxa dadweynuhu ka filayaan inuu noqdo kii wax ka qabta.

Waxa kaloo xafladaas ka hadlay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xanaannada Xoolaha iyo Kalluumaysiga, Marwo Yurub Abiib iyo Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Warfaafinta, Marwo Shugri Xariir Ismaaciil waxaanay ka warameen taariikhda iyo kartida  Agaasimaha cusub ee Telefishanka Qaranka.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo  Wacyigelinta Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-barwaaqo) ayaa sheegay  in Agaasimaha cusubi uu yahay nin karti leh , wuxuuna ballanqaaday in shaqaalaha dedaalka muujiya lagu abaalmarin doono dalacaad.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here