Agaasimaha Guud Ee Boosaha Oo Casho-Sharaf U Sameeyay Ciyaartoydii Ku Guulaystay Tartankii Bisha Ramadaan Ka Qabsoomay Arabsiyo

0
58

Hargeysa (Hubaal) agaasimaha guud ee wasaaradda booshaha iyo is-gaadhsiinta ee Somaliland Feysal Cali Sheekh ayaa munaasibad casho sharafeed ah u sameeyay ciyaartoygii ku guulaystay tartankii xiisaha badnaa ee bishii Ramadaan ka qabsoomay degmada Arabsiyo.

vlcsnap-2017-07-01-22h13m46s477

Munaasibadan balaadhan ayaa waxa kasoo qaybgalay qaar ka tirsan saraakiisha sare ee xibiga Kulmiye, oo iyagu lahaa qabanqaabada tartankaasi iyo marti-sharaf kale oo badan.

Ugu horeyn waxa madashaasi hadalo ka jeediyay masuuliyiinta xisbiga Kulmiye, oo tilmaamay inay xisbi ahaan ay dhiirigalinayeen da’yarta iyo ciyaaraha sidii kor loogu soo qaadi lahaa. Waxaanay halkaasi ay masuulitaasi uga mahadnaqeen ciyaartoydii ka qaybgashay tartankaasi iyo agaasimaha guud ee wasaaradda boosaha iyo isgaadhsiinta iyo sidoo kale guddoomiyaha xisbiga Kulmiye oo intii ay socdeen tartanadii bisha ramadaan kusoo wareegay garoomadii ay ka kala socdeen.

Dhinaca kale xubno ka tirsan ciyaartoyda iyo sidoo kale bulshada ku dhaqan deegaannadaasi ayaa iyaguna u mahadnaqay agaasimaha guud ee boosha iyo is-gaadhsiinta iyo guud ahaanba masuuliyiinta xisbiga Kulmiye.

Gabogabadiina agaasimaha guud ee boosaha iyo is-gaadhsiinta mudane Feysal Cali Sheekh oo halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in munaasibadani ay tahay dhiirigalinta da’yarta iyo sida ay xukuumaddu uga warhayso dhalinyarta reer Somaliland. “waxaan aad iyo aad runtii idiinka mahad celinayaa intiinii kasoo qaybgashay martiqaadkan, iyadoo ujeedadu keliya uun ay ahayd, inaynu ku dhiirigalino da’yarteenna. Maalintii dhaweyd intiinii koobka kala heshay ee labadii kooxood ee magaaladda Arabsiyo, kooxdii Arabsiyo iyo kooxdii biyo Macaan ee koobka ku kala guulaystay, inaanu runtii dhiirigalino uun bay ahayd ujeedada aanu u nimid. Aad iyo aad baanan runtii labada kooxoodba ugu hambalyaynayaa, kooxda horena runtii waan joogay oo waan kasoo qaybqaatay, koobab farabadan iyo laacibiin baa runtii ku jira. Aad iyo aad baan u hambalyaynayaa mar labaad intii kasoo qaybgashay iyo kooxdii qaaday koobka, waxaanan leeyahay ku dhiirada, ciyaaruhu waa halkaas uun.

Magaaladda Arabsiyo runtii waa magaalo qadiimi ah, magaaladda Arabsiyo iyo Gobolka Gabileyba guud ahaan bud-dhig buu u yahay aasaaskeeda iyo codkeedaba, xisbiga Kulmiye, waa meelaha ugu codka badan leh, waxaanan runtii Illaahay ka rajaynaynaa inaanu codka ugu badan ka helno, taas darteedna aynu u diyaar garowno, sided cisho ayaa innaga xigta, sidii aynu dhammaanteen aanu kaadhka codbixinta u qaadan lahayn, oon xabadi innaga noqon.” Ayuu Agaasimaha guud ee boosaha & isgaadhsiintu kusoo afmeeray hadalkiisa

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here