Masuulkan Oo Si Badheedh ah Iskaga Indho Tiray Amarkii Madaxweynu Kasoo Saaray Hantida Qaranka.
Waxa Uu Samaystay Shirkaddo, Isagoona Cid Gaar ah U Xidhay Mashaariic aan Qandaraasyadood Lagu Tartamin
Hargeysa (Hubaal) Ceeb iyo fadeexad ayaa uu ku kacay agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka Somaliland, Maxamed Cilmi Xuseen, isagoo leexsaday mashruucii baanka adduunku bixiyay ee loogu talogalay xidh xidhka Afar deegaan dooxyadood. Agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka, Maxamed faarax Xirsi ayaa gebi ahaanba diidey in Bid(Baahin Qandaraas) lasameeyo si loogu tartamo taas oo ka hor imanaysa nidaamka tartanka mashaaricda ee dalka.
Agaasimahan ayaa samaystey shirkaddo uu leeyahay oo uu ku qaato mashruuca, isagoo gebi ahaanba mamnuucey in tartan Ku dhisan naadin (bid) la sameeeeyo kadibna shirkadduhu u tartamaan Tartan xor iyo xalaal ah.
Agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka Maxamed Cilmi Xuseen ayaa sidoo kale hore u qaatey mashaariicdii Soil Ersion-ka ee ay bixisey hay’adda UNDP sanadkii hore, isagoo sifo sharciga baalmarsan u siiiyey shirkad uu leeyahay oo Tayo layidhaahdo.
Waxay ahayd dhawaan markii madaxweyne Siilaanyo digreeto kasoo saaray hantida qaranka, xiliga kala guurka ah, isla markaana uu madaxweynuhu guddi iyo hay’addaha ay khusayso u xilsaaray, dabagalka hantida qaranka meel kasta iyo cid kasta.
Haddaba agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka waxa uu si badheedh ah indhaha ugala laabtay amarkaasi madaxweynuhu digreetada ku faray, isagoo maashaaricda gacanta ugu jirta uga faa’iidaysta awooda uu qaranka u hayo.
maashaariicda malaayiinka doolar ku fadhiya ee gacanta ugu jirta agaasimaha wasaaradda deegaanka, ayaa waxa bixiyay World bank, waxaanay kamid yihiin hantida qarankani leeyahay ee madaxweynuhu ilaalinteeda amarka ku faray dawladdiisa.
Iyadoo ay jiraan shirkaddo ay leeyihiin muwaadiniin oo dhammaystiray dhammaanba waxa looga baahan yahay, ayaa haddana Agaasimahu inta uu dhinac iska leexiyay, lasoo baxay shirkaddo uu samaystay, waxaana uu habayaraatee meesha ka saaray in wax tartan ah loo galo mashaariicda, wuxu ogyahay in cidda gaarka ah ee uu wataa aanay helayn mashruuca oo uu ka baqo qabo, taas badalkeedana uu suuq madow ku doonaayo inuu ku qaato oon tartan iman.
Agaasimaha wasaaradda deegaanka ayaa haatan waxa diirada u saran afar kamid ah mashaariic waaweyn oo laga hirgalinayo deegaannada; Dooxa Debis, Arabsiyo, Oodweyne iyo Diinqal.
Si kastaba, Hay’addaha uu madaxweynu u igmaday musuqmaasuqa iyo lunsiga hantida qaranka ee ku shaqada leh ayaan iyagu habayaraatee aan war iyo wacaal u hayn sharciga uu agaasimaha Deegaanku jeebkiisa kala soo baxay ee oo ku fushanayo mashaariicd qaranka, waxaana la odhan karaa digreetadii madaxweynu soo saaray oo noqotay hal bacaad lagu lisay.