Hargeysa (Hubaal) – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Md Jaamac Maxamed Odowaa, ayaa meesha ka saaray cabasho kasoo yeedhay qaar kamid ah Shaqaalaha wasaaradiisa, waxana uu tilmaamay inaan cabashadaas wax ka jiraa aanay jirin. Agaasime Odawaa oo maalintii shalay warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inuu si siman ula dhaqmo shaqaalihiisa, isla-markaana aanay jirin wax dhibaato ah oo uu shaqaalah ku hayaa. Ugu horrayn waxa uu Agaasimuhu ku dheeraaday waxyaabihii wasaaradda Xanaanada Xoolaha u qabsoomay, waxana uu tilmaamay in wasaaraddu ku tallaabsatay waxyaabo badan oo horumar ah, kuwaas oo Bulshada Xoolo-dhaqatada ah faa’iido badani ugu jirto.
Mar uu ka hadlayey shaqaale wasaaradiisa katirsan oo cabasho ka muujiyey shaqo ay wasaaradda ka hayeen oo ay tilmaameen in laga caydhiyey, ayuu agaasimuhu arrintaas si hufan faahfaahin uga bixyey, waxana uu sheegay inaanay jirin wax shaqaale rasmi ah oo wasaaradda laga caydhiyey, balse ay jireen dad hay’ado kale u shaqo tegay oo haddana u jeelan inay mushahar aanay shaqaysan u xaadiraan,
“Waxa jirey shaqaale hay’adaha ka shaqeeya, kuwaas hay’ado madax bannaan sidooda ugu tartamay shaqooyinka ay hayaan, kadib markii shaqada wasaaradda ka tegay oo aanay jirin wax shaqo ah oo ay wasaaradda u qabtaan. Shaqaalahaas waxa la siiyo qandaraasyo aanaan waxba ka ogayn, waxana aanu maqalnaa Hebel shaquu helay oo wuu inaga tegay, marka xaaladaas naloo soo gudbiyona xidhiidh baanu la samaynaa si aanu xaalkiisa u ogaano oo haddii uuiman waayo aanu mushaharka ugu joojino. Marka ninka wasaaradda la shaqeeya ee mushaharka yare e aan Boqolka Dollar gaadhin qaata marka uu nin Kun dollar oo aan waxba wasaaradda u qabanini isagana lacagtii la qaato niyadjabbaa dhacay.” Ayuu yidhi Agaasime Odowaa.
Agaasimaha oo Hadalkiisa sii wata, ayaa caddeeyey in dadka sifada noocaas ah wax ku doonaya la go’aamiyey in meesha laga saaro, isla-markaana mushaharka laga joojiyo, waxana uu yidhi,
“wax aanu wasiirku ogayni wasaarada kama dhacaan, waxana uu amar ku bixiyey in dadka caynkaas ah ee iska shaqo tegay in loo yeedho oo mushaharka laga joojiyo isla-markaana tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado, qofkii cabasho ka qabaan wasaaradda wuu yimaadaa haddii uu xaq leeyahay wuu heli haddii kalena heli maayo.”
Hadalka agaasimaha ayaa jawaab u ah tiro kamid ah shaqaalaha wasaaradda Xannaanada xoolaha oo warbaahinta qaar ka sheegay in shaqadoodii laga caydhiyey, iyagoo ku andacooday inay wateen shaqadooda, balse agaasimuhu waxa uu caddeeyey inaanay muddo dheer wasaaradda wax shaqo ah u qabanin.