Hargeysa(Hubaal)-Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta Somaliland ayaa maanta Muddoharaad ku hor istaagay Xadhig Maareeyaha TV-ga qaranka Khadar Cali Gaas la damacsanaa Madaxa Wararka Tv-ga Suxufi Abiib Iimaan Xasan.
Warqad Waaran Maxakameed ah oo Maareeyuhu u soo jaray Abiib Iimaan Xasan ayuu jeexjeexay Agaasimaha Wasaaraddu iyagoo Shaqaaluhuna ku taageeray Muddoharaad ay ka dhigeen Xarunta Wasaaradda, arrintaasi oo keentay in Maareeyuhu ku hungoobo damaciisa ah inuu xabsiga dhigo Suxufiga Ruug caddaaga ah ee Abiib Iimaan Xasan.
Xogaha Ramaasnews ka heshay Khilaafkan Madaxda Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegaya in Maareeye Khadar Cali Gaas Xilka ka qaaday Abiib Iimaan Xasan oo ah Madaxa wararka Tv-ga kadibna Mr Abiib diiday amarkaasi maadaama markii hore xilkaasi uu u magacaabay Wasiir Cukuse. Arrintaasi ayaa keentay in Maareeyuhu Ilaalada Wasaaradda amro inaanu Abiib wasaaradda galin balse Ilaalada ayaa sii daayay Abiib, iyadoo taasi keentay in Maareeyuhu waaran maxakamadeed soo goosto.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland ayaa la sheegay inaanu maanta soo dhexgalin Muddaharaadka iyo khilaafka wasaaraddiisa ka Oogmay.
Wasaaradda oo ciidan badan la keenay ayaa markii dambe soo gaadheen Wasiiro ilaa 6 ah oo xukumadda ka tirsan kuwaasi oo kulamo la leh dhinacyada murankani ka dhexeeyo ee kala Maareeyaha Tv-ga, Abiib Iimaan Xasan iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda, kuwaasi oo aan la ogayn waxa ka soo bixi doona.
Source: Ramaas