Agaasimaha Maamulka Dawladda Hoose Oo Meesha Ka Saaray Jiritaanka War Ka Dhan Ah Xafiiskiisa Oo Ku Saabsan Hanti-Dhawrka

0
118

Hargeisa(Hubaal) Agaasimaha Maamulka Dawlada Hoose Ee Hargeisa Md Maxamed Xuseen Jaamac Ayaa Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaamay Warar Ay Warbaahinta internetka qaarkood ay baahiyeen oo ku saabsanaa baadhitaanno uu hantidhawrka qaranku ka bilaabay dawladda hoose ee Hargeysa, taasoo galaafatay xorriyadiisii  oo xabsiga loo taxaabay.  Agaasimaha oo arrintaasi jawaab ka bixiyey ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararkaasi isaga oo uga digay warbaahinta inay baahiyaan warar ay xaqiiqadooda aanay hubin, waxaanu meesha ka saaray in la xidhay iyo in   cid wax waydiisay toooni aanay jirin, Xafiiskiisa iyo kuwo kale toonana Aan Wax Baadhis Ah Lagu Samayn. Agaasimuhu Waxa Kale Oo Uu Sheegay In aan Xafiiskooda Wax Murani Aanu Kajirin Shaqada Dawlada Hoosena Ay Sifiican Usocoto, balse laga yaabo dad ujeedo gaara lihi ay arrintan warbaahinta u gudbiyeen, balse waxay ahayd in ay warbaahintu hubiso siday wax u jiraan oo ay la xidhiidhaan maamulka xafiiska ama anigaba, hadii ay cid waayeena ay yimaadaan dawlada hoose oo ay arkaan in xafiisku xidhan yahay taasina ma dhicin waxanan leeyahay inamada warbaahinta hubiya waxa aad dadka u gudbinaysaan, wax walba dabo ayey leeyihiin oo beentu way soo xidhantaaye. Gabagabadiina Waxa Uu Usoo Jeediyay Shaqsiyaadka Warbaahinta Wararkaa Khaladka Ah Siinaaya Inay ka Waantoobaan, Waxa Kale Oo Uu Agaasimuhu Sheegay In Shaqadii Xafiiska Maamulku Ay Sifiican Usocoto Hanti Dhawrkuna Uu Usimanyahay Dhamaan Xafiisyada Dawlada waana waajib saaran inay hawlahooda ka gutaan cidii ay ka shakiyaan balse xafiiska dawlada hoose may iman baadhisna kuma hayaan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here