Agaasimaha Wasaarada Diinta Iyo Awqaafta Gobolka Saaxil Oo Heshiis Ka DHex DHaliyay Culimo KHilaaf Ugu DHexeeyay Degmada Abdaal

0
50

Berbera (Hubaal) Agaasimaha cusub ee wasaarada diinta iyo Awqaafta gobolka saaxil. SH, maxed axmed xuseen ayaa soo afjaray khilaafada muddoyinkii ugu danbeeyay  u dhexeeyay culimada  degmada abdaal “ Agaasimaha oo u waramaayay qaar ka mid ah warbaahinta gobolka saaxil  ayaa sheegay in culimada degmada Abdaal isu  qabsadeen qaab fariiqooyin dineed ah oo mudoyinkii ugu danbeeyay isku  hayeen  markaa arintaa ayaa ka hawl galay shalay galinkii danbe ilaahayna waa nagu guuleeyay oo si fiican ayaa arintaas u dhamaatay .waxaan culimada halkaas joogtana kala soo dardaarmay inay ka foojignadaan wax kasta oo iska hor keenaya oo bulshada ay sida ugu macquulsan ula dhaqmaan “

DSC09075

Agaasimuhu wax isaga oo hadalkiisa sii wata umahad celiyay Wasiirka diinta iyo Awqaafta Somaliland iyo Agaasimaha guud ee wasaaradaas oo u sheegay inay kaalin  fiican ka qaateen daminta xiisada .sidoo kale wax iyagana u mahad naqay maamulka degmada abdaal taliyaha ciidanka degmada abdaal iyo odayaasha degmadaas

Gabogabadii waxa agaasimaha diinta iyo awqaafta gobolka saaxil sh,maxed axmed xuseen ugu baaqay culimada kala duwan ee gobolka saaxil iyo degmooyinkiisa inay ka fogaadan nidaamka Fariiqooyinka u kala saaraya diinta iyo inaanay bulshada ku dhega barjoobin murankooda Ee bulshada si degan diinta loogu sheego

 

Wariye mubaarik nirig /berbera

Nirig03@hotmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here