Agaasime Ka Tirsan Xukuumadda Oo Dhaliilay Miisaaniyadda Loo Qoondeeyay Wasaarad Uu Xilkeeda Wareejinayay

0
14

Hargeysa (Hubaal) – Agaasimihii hore ee Wasaaradda Ciyaaraha, hasayeeshee Dhawaan loo bedelay Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland Maxamed Xuseen Dhabeeye ayaa Sheegay in Aanay Isu Dhaweyn Xisaabta Odoroska Miisaaniyadda 2018-ka looga Qoondeeyay Wasaaradda Ciyaaraha. Waxa uu u soo jeediyay Wasiirka Wasaaradaasi in uu dib ugu laabto Miisaaniyadda Wasaarada Ciyaaraha Somaliland oo kaalin muhiim ah ugu jirta Qaranka Somaliland. Sidaasna waxa uu ka sheegay mar uu dorraad  wareejinayay xilkii Wasaarada ciyaaraha, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa  “Waxaan Leeyahay Wasiirka Maaliyadda Maalintii Dhaweyd ee uu Miisaaniyadda Ka Hadlayay wuxuu sheegay in uu ciyaaraha awooda saaray, Jaamacada ayuu ka hadlay, Baarlamaanka ayuu ka hadlay. Waxa aan qabaa hadalkaas iyo  markii aan buuggii eegay waxbaa ka dhiman, markaa waxa aan leeyahay Wasiirku ha isku Noqdo oo bal hadalkan uu Jeedinayo iyo Buugga waxa ku qorani horta wax  isku dhigma maaha.Waxaanan cadaynayaa Wasaaradda Miisaaniyadaas Buugga ugu qorani maaha mid ay kaga Dabaalan karto, sanadkaas iminka dhamaanaya kaga dabaalan mayso ka danbena waxa la doonayaa in aynu ka shaqayno sidii ay wasaaradaasi u heli lahayd miisaaniyad ay cagaheeda ku dhigto” ayuu yidhi.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here