Agaasimihii Hore Ee Maamulka Iyo Saxaafadda Ee Xisbiga KULMIYE Oo Beeniyay War Lagu Aflagaadeeyay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Saxaafadda Looga Diray Email-Kiisa Gaarka Ah

0
57

Jamhuuriyada Somaliland      10/07/2015

Uj : beenin  is casilaad iyo af lagaado

Anigoo ah agaasimihii hore ee maamulka iyo saxaafada xisbiga kulmiye  waxaan ka xumahay war xalay loo kala diray saxaafada oo been abuur ahaa  isla markaana laga diray emailkaygan oo la jabsaday , allxam dulilaahi hawl badan ka dib waxaan ku guulaystay inaan dib ula soo noqdo qacan ku hayntiisa imikaanay waajib igu noqotay inaan beeniyo warkaas oon sal iyo raad toona lahayn .

Xaasha gudoomiyahaygu  igama gayo cay iyo af lagaado toona mida kale shaqaalaan xisbiga ka ahaa  ma ahayn nin siyaasiya oo miiska gorgortanka xubin ka ah  aniga way ii sinaayeen dhamaan kaadiriinta iyo xubnaha xisbiga kulmiye waayo iyagaan xilkan ku hayey .

Waa run oo waan ka tagay shaqadii aan xisbiga u ahayey hawlo shakhsiya oo aniga I khuseeyaan uga tagay, laakiin sife wanaagsan baan kaga tagay xubinimadaydii iyo xisbi nimadaydiiba waa halkeedii.

Waxaan uga digayaa dadka war xumo tashiilka ah ee shaqadoodiiba noqotay email la jabsado dabadeed sida la doono looga faa idaysto inay ka waan toobaan , hayadaha amnigana waxaan usoo jeedinayaa inay ciidan u samaystaan hawlahaa la xaajooda,

Wa bilaahi tawfiiq

Mustafe iid maxamed

Agaasimihii  hore ee maamulka iyo saxaafada xisbiga kulmiye

XISBIGA MIDNIMADA & HORUMARINTA SOMALILANS

(KULMIYE)

Address:  Jigjigayar, Ibrahim Kodbur District, Hargesia Somaliland.

Tell:           00252-2-527883

Mobile:      00252-2-4134891

Email:        kulmiye_party@hotmail.com/Website: www.kulmiye.com/www.kulmiye.orgmustafe iid

Halkan Hoose Ka Akhriso Warka Saxaafadda Looga Direy Email-ka Agaasimihii Hore ee Maamulka Iyo Saxaafadda Xisbiga KULMIYE Mustafe Iid

REF: XK/XGX/0042128/2015                                                                           Date: 25/06/2015 

 Ujeeddo: is casilaad

 Aniga oo ah Agaasimihii Xafiiska Maamulka iyo xidhiidhka Saxaafadda ee xisbiga kulmiye ka dib Markii aan soo taabtay ina aanay jirin rajadii isbadal ee xisbiga kulmiye dhexdiisa laga sugayay

Markii aan ku qancay siday waajib waddaniya  u tahay ka qayb qaadashadda dadaalada isbadal doon ee dalka ka socda, waxan go’aansaday inaan iska casilo xilkii iyo xubinnimadii xisbiga kulmiye.

Waxaan ka raali- galinayaa Wasiirkii hore ee maaliyadda Md,  C/Casiis Maxamed Samaale  taageeradii aan ka taageeray nin aan hankiisu Daaro dhisasho dhaafsiisnayn.

Gabagabadii waxan bulshada reer Somaliland iyo taageerayaashaydaba u cadaynayaa in aanay ilaa hada jirin meel aan si rasmiya ugu biiray , balse aan taladiina ka dib halkaynu ku qanacno inay danta dalka iyo dadku ku jirto aynu taladeena iyo taageeradeenaba la garab istaagi doono. Haygana filina inaan sida raga qaar saq dhexe go’aan gunnaysan idinkaga salaliyo.

ALLAA MAHAD LEH

Mustafe Iid Maxamed

Agaasimaha Xafiiska Maamulka iyo Xidhiidhka Saxaafadda ee xisbiga KULMIYE.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here