Hargeysa:(Hubaal)-Kadib isku shaandhayntii iyo caddaalad u samayntii shaqaalaha wasaaradda warfaafinta ee uu wasiir Caddaani hormoodka ka ahaa, waxa xilkii iska casilay Agaasimihii waaxda Barnaamijyada ee Telefishanka qaranka Md. Xuseen Cabdilaahi Deeqsi oo kamid ahaa hawl-wadeennada ugu miisaanka culus Telefishanka.
Is-casilaadda Agaasime Deeqsi, ayaan si rasmi ah warbaahinta loosoo gaadhsiin, balse waxa la sheegayaa inuu si toos ah wasiirka ula socod socod siiyey, isaga oo raaciyey cabasho uu ka qabo tallaabadii uu dhawaan wasiirku qaaday oo ahayd mid inta badan shaqaalaha wasaaraddu bogaadiyeen.
Wararka aanu hayno, ayaa sheegaya inuu wasiir Caddaani aqbalay iscasilaadda agaasimaha, isla-markaana uu beddelkiisii u magacaabay Axmed Xuseen Warsame oo laftiisu kamid ah tiirdhexaadka lagu hirto ee wasaaraddu leedahay, kaas oo muddo dheer mihnadda warbaahinta kusoo jirey.
Iscasilaadda agaasime Deeqsi ayaa wararka kasoo baxaya waxa ay qaarkood sheegayaan inuu jiro khilaaf hoose oo isaga iyo qaar kamid ah madaxda hoose ee wasaaradda u dhexeeya, kaas oo ku saabsan nidaamka maamul ee agabka iyo shaqaalaha oo ay marar badan hadallo kasoo noqdeen.
Xilalka hoose ee wasaaradda warfaafinta ayaan inta badan xubnaha hayaa aanay iska casilin, balse hadba masuulka jooga ayaa ciddii uu rabo ka qaadi jirey kuna beddeli jirey cidda uu la doonayo, balse iscasilaaddani waxa ay marag ka tahay inay weli jiraan boogo aan la dhayin oo ay shaqaalaha wasaaraddu tirsanayaan.
Xuseen Cabdilaahi Deeqsi oo kamid ah ruugcadaaga Idaacada Hargeysa iyo aasaasayaashii Tv-ga Qaranka SLNTV, ayaa ah Wariyihii 25 sano ka hor Idaacada ka baahiyay ku dhawaaqistii Madaxbanaanida Gooni Isutaaga Somaliland sanadkii 1991-kii, waxaanu kamid ahaa Raga fara ku-tiriska ah ee hawlkarnimo, daacadnimo iyo dabeecad intaba isku darsadey.
Guriga WARAR UGU XIISAHA BADAN Agaasimihii Waaxda Barnaamijyada Tv-ga qaranka Oo Dib-u-habayntii Caddaani Kadib Is-casilay