Sheekadani waxay kaalinta 1aad ka gashay guud ahaan tartankii sheeko-faneedda ee Sheeko Iyo Shaahid, 2014. Waxa qoray Axmed-Yaasiin Rashiid Cabdi oo kaalintaas ku guulaystay.
Xatabada hore ee gurigayga oo laba qol ka kooban ayaan fadhiyay, dhinaca galbeed oo laydh qabaw yar wadataa ka soo dhacaysaan ujeeday. Gacanta waxaan ku haystay sigaar aad u gaaban oo qiiq si u dhuubani ka baxayo. Hadba mar ayaan nuugayaa, dabeed intaan gafuurka cirka u taago naqas uuro madaw wata hawada ku afuufayaa, oo aan aagga wasakhaynayaa.
Maankayga iyo maskaxdaydaba waxaa ku soo noqnoqonaysa xusuus duugawday oo aanaan doonayn in aan sinnaba uga fekero hadda. Hadba waxaan jeedaalinayaa daaraha dhaadheer ee hortayda ka muuqda iyo gawaadhida sida tareenka xidhiidhsan ee waddada susumaya.
Waxaan feker kula daalay dunidan iyo ilbaxnimadeeda jarmaaday, nolosheeda iyo horumarkeedan jiitay ee aan hadda dhex joogo. Anigoo taas uga qasdiyaya in aan isku dhaafiyo mawjaddaha xusuusta durugsan ee maskaxdayda sida mawjaddaha badda iskaga soo daba dhacaya. Misna oo ay sidaas tahay kamuu noogin maankaygu ku mayracashada muuqaalo fog oo aan labaatan sano ka hor uga soo haajiray baladkaygii hooyo. Intaan dhabanka gacanta saaray ayaan waayo waayo iyo wakhti hore dhex mushaaxay:
*****
“Abaar baa dad iyo duunyaba ku habsatay oo laba gu’ oo xidhiidha isku kaaya raacsatay. Cirkiibaa gaagaxay, daaqiibaa yaraaday, cadceeda oo moodo in ay dadka cadaawe gaara u qabto ayaa `korkayaga timi, carradiibaa engegtay, dhirtiibaa saacuftay, bus iyo habaas ayey arladii isu badashay, oon iyo baahi ayaa dadkii dishooday, caqligiibaa liciifay, garashadii baa hoos u dhacday. Waxaa la badiyey Alla barigii, salaado roob doonna ayaa jamac jamac iyo fardi fardiba loo tukaday, xoolaha intii hadhay baa la sadqeeyey, oo masaakiinta quud looga dhigay dabadeed in ay duceeyaan laga doonay.
Bun iyo salool ayaa afarta waddo ee soo gala tuuladan hagaaska ah, lagu daadiyey oo balaayo xijaab laga yeelay. Iyada oo cirka uun laga dhur sugayo ayaa daruur yari samada ka soo bidhiiqday dabeed isu habar wacatay oo afarta bayni jihoba daruuro kale iskaga yimmaadeen oo awood iyo itaal wixii ay lahaayeenba isu geysteen. Cirkiibaa dikhil madaw noqday, Cadceeddaa liiqa dhigtay, gabbalkii baa dummay, dabeed mar labaad baa duco dib loo irkaday oo in uu raxmaadkaas Rabbi u hooriyo dhibkiisana hareer markiyo Alle laga tuugay.
Dareenkii dadku daruuruhuu ku faruur xidhmay oo laga dhur sugay. Dadku habeenkaas dhaban dhulka may dhigin waxay sugayeen xilliga daruurahaas rimmani ay foollan doonaan. Dhibicdii ugu horaysay ayaa dhulka haleeshay, tii labaad baa ku xigtay, tii saddexaad baa ku xigtay, illaa cirka iyo dhulku is qabsadeen oo onkodku dannanay. Sacab iyo mushxarad ayaa laysla oogsaday oo qof waliba qofkii xigay u habalyeeyay, farxad iyo rayn-rayna la wada muquurtay oo lala kurbaday, cid walbana ku diirsatay miiraalahaa miray oo lays dareensiiyey in ay abaartii jabtay. Dad iyo duunyana lagu wada tannaadi doono.
Waagii baa baryay gal iyo galgalin walba xareed baa ceegaagta. Waa lagu wada qamaamay oo lays wada tumay ceelka biyaha dushiisa si xareedaa looga wada durduurto. Rag iyo dumarba raabo raabo ayaa loo wada qotomaa, oo loo taaganyahay in goobtan agaasiman, nimcadan wadhan hurrin hurrin looga fulo, Eebana mahad ballaadhan loogu naqo, laguna ducaysto in lagu waaro raxmaadkaas xilli dheer iyo dhib badan oo la soo maray awgeed.
Iyadoo sidaas safafku dabada iskugu hayaan ayaa mar qudha indhahaygu qabteen, gabadh dheer oo jalaqsan oo ku labisan saddex qayd, boqor iyo dhacle dhexduna taakadaa tahay, oo safka dhexda kaga jirta, dabayl aan badnayn oo dhacaysay ayaa dhinac yar naas caaro madaw ka fayday dacal maradii. Muddaan dhawrayey oon isha ku hayey horraadka dayacan ee dabayshu salaaxayso. Anigoo daawasho iskula maqan ayey gabadhii ka war heshay nimcada isku qoofalan ee ishaydu ka dhexbaxday, dabadeed hinqatay oo maradii dib u qabsatay, hareerahana daymootay bal in ay cidi arkaysay, mise indhaheedu waxay qabteen kuwayga hamuunta qaba ee ku soo maqan.
Xishood ayey la deexootay, khajilaadna la muusootay dabeed cidayaha cuntay oo sii jeesatay. Gacantay boobsiisay oo haamihii dhakhso awrtii ugu rartay oo beelo fulay oo hayaamay cagta cagta u saartay hillinkii hoygooda tagayeyna ku libidhay.
Galabtii oo dhan ayey laabtayda ka hugmaysay habeenkiina sida muraayadaa kolba mar lay soo hor mariyaa quruxdeedii, qiimaheedii, dhoolo-cadaynteedii, xishoodkeedii, dhararkeedii iyo dhummucdeedii Rabbi ugu deeqay. Waxaan ahaa nin iska danyar ah, xalaal quute ah, naftiisa ku kalsoon, oo noloshiisa ka raalli ah, ee miyay wali hamigayga guurba galay.
Xilli aan caddo iyo gudcur toona ahayn ayaa hees walwaaleed lay tumay, si xun lay hiyi kiciyey, hunguri waalan layga soo riday, degel aan nagaadi ku ahaa layga qoonsaday, jacayl dhalanteeda oo aanaan marna hawaysan, haabkeedana hiyiga ku hayn u hanqal taagay. Habeenkaasi is rog-rog iyo soojeed ayuu igu dhaafay waagiina sidii ku baryey.
Dadkii iyo duunyadii way raysteen, roobku saacad saacad buu u hooraa, midho iyo laamo curdin ah ayey dhirtii la magooshay, haramo damal badan, doog iyo sugaanina hoos wadhantahay ayuu dhulkii isu badalay. anigu wali hawadii beenta ahayd ayaa aan la heehaabayaa, gabadhii ayaan haabka ku hayaa, intaa waan baadi goobayaa. Habeen ayaa aniga iyo saaxiibaday ciyaar ka dul qabsadeen meel gurigooda laygu soo tilmaamay, botor iyo dhaantaan aloosnay, jiibta iyo jaantaan isla helnay, cod dheer oo af garasho ahna sammada ku tolnay. Intay iyadoo muraaqaysan oo kan-koonsan buulkii ka soo booday, ayaa ay ciyaartii ku soo dhexdhacday, cabbaar baannu golaha ciyaarta u cidlaynay, in dooray madax qaawan oo timo boofila leh hadba dhan u maroorisay, markuu saarkii ka soo dagay ayey cirkaa intay ka timi dhulka dam! ku tidhi. Muddo ayaanay far dhaqaajin oo ay isla maqnayd, sida maydkana dhulka wadhnayd, markii ay soo miirawday ayaan gacanta qabtay oo gees ula baxay waaba intaan u socdaye, kaftan kor ka xaadis ah iyo hal-xidhaale goos-goosa dabadeed, guntaan iskula dhaadhacnay, runtaa farta layska saaray, dabeed ballan guur, oo aan adduun loo hayn, kal danbe ku ballan qaaday. haye iyo hawraar sanna waa lagu kala tagay. Wixii habeenkaa ka danbeeyay kamaan qoob qaadin, oo habeen iyo dharaar waan dul joogi jiray, waan maddadaaliyaa, maaweeliyaa laabtana ugu qaaboojiyaa ballankayagii ahaa in aan dayrta danbe is aroosi doono.
Iyadoo uu meel wanaagsan xaal noo marayaa belaayo na daartay. Reerkayagii iyo reerkii gabadha ayaa is qoonsaday, beeshii xasiloonayd ee nabadda iyo walaaltooyadu ka dhaxaysay ayaa warmo isu qaatay, balaayaa ka dhex oogmatay. Daganaashihiibaa baa ka lumay, Reer Caalwaa iyo Reer Siigo-dheere ayaa loo kala gurtay. Anna waxaan la soo saftay reerkayagii reer Caalwaa oon leebka u qaatay reer Siigo-dheere. Bannaan baa laysku haleelay, seefahaa lays waydaarsaday, dhiigaa tifleeyay, dhaawacaa batay, dhimashadii baa tiro beeshay. anigoo waran af daran la ordaya oo barxadii dagaalka heehaabaya ayuu nin dheer oo gadh-wayni billaawe igula soo haliilay anna uma hanbayne murjinkii ayaan dhuunta ka xalluubiyey, hortayduuna is lagday. Horaan u sii socday oo dhawr kalena dhagta dhiig u sii daray. Maalintii oo dhan baa dagaalku socday, habeenimadiina waanu isu jirsannay. Waanu is eednay, is caydhsanay, oo is cunnay.
Culimadii baa caroog ku addintay, kor iyo hoosba way noola hadleen, dagaalka ha la joojiyo ayey ku baaqeen, abbaanduulayaashii dagaalka ayey gooni gooni ula shireen, ugu danbayntiina xabbad joojin ku meel gaadhaa lagu dhawaaqay.
Colalkii baa dib loo kala qaaday, maydadkii baa lays ku tirsaday, nin walbana ninkii dilay la haybsaday si mar uun loogu soo aaro.
Anigu ciidankii reer Caalwaa ee reerkayaga ahaa ayaan ammaan ballaadhan ka helay, waa ninkii dagaalka isku laba rogayey ayaa layskugu kay tilmaamay, geesinimadaydii baa laysla wada qiray, gacan fudaydkiina loo wada qushuucay, si buuxdaa lay wada qaddariyey guulihii aan dagaalka ka soo hooyey awgeed, anna libin aan cid kale gaadhin ku daansha-daanshooday, in aan guul wayn soo hooyay ayaan isu arkay. Iyadoo majliskii beeshu isugu iman jirtay la wada fadhiyo ayaa la faaqiday oo la falanqeeyay guushii waynayd ee aanu dagaalka ka soo hoyney.
Waxaa maalintaas si balaf ah dhegtayda ugu soo dhacday, ninkii gadhka waynaa ee aan dilay in ay walaalo ahaayeen gabadhii ballanka adagi noo xidhnaa, rag kaloo badanina gacantayda sababsadeen, reer Siiga-dheerana ciil wayn ii qabaan oo ay igu taamayaan. Warkii wuu ila waynaaday, dhagtaan u sii raariciyey. Wax kaleba ha joogaane maxaa seedigaa gacantaada ku malgay ayaan ku calaacalay, saabkayga hoose warraaqa ka baxaya hadduu uunku maqli lahaa wuu la ilmaynlahaa, meel aan wax kaga hagaago ayaan garan-waayey, qoomamaan dibnaha cunay, waan is ciil kanbiyey oo caloolyoobay, talaa faro ka haaday, si aan wax yelaan garan waayey, wajigaan hoos u rogay. In muddo ah ayaan ka war-wareegayey, runta murteeda qadhaadhka badan iyo in uu ku hagaago gabadhii, way is huursatay oo muddaa ka soo wareegtay maalinkii mashaqadu dhacday.
Riiqii dagaalku reebay wali may dhammaan, balse waxay gaadhay xilligii balantayadu ahayd, waan is hayn kari waayey, waxaan go’aansaday in aan ka war doono siday doontaba ha u dhacdee. Waan jarmaaday oo hoygoodii u huleelay, lugtaan boodhka daray oo toobiyaha qaaday. In cabaar ah markaan socday ee aan degalkii reer Siigo-dheere ku soo dhawaaday, ayaan sanqadh tirasho bilaabay, waan raad gadtay oo kaymo jiq ah dhex xulay. Sidaan u socday ayaa humaag muuq bani-aadam leh hortayda mudh ka soo yidhi, fajac iyo amakaag buu Illaahay ii keenay, waan himbiriirsaday laakiin si fiican waan u aqoonsan waayey, horaan ugu sii socday oo uu ku soo dhawaaday, qodhiyo xeraale waa iyadii oo aan biyo is marin, waan uu u dhawaaqay, mar allaaliyo markay dhaayaha iga qaaday ayey af labadii qaylisay, “Ba’yeey……….. Cabdow ba’ayeeey, waa ninkii Xasan gadhwayne dilay……. Alla ba’ayeey”. Markaan intaas maqlay ayaan cagaha wax ka soo dayey oo bartii aan ka soo baxay baan dib ugu laabtay illa intaan tuulaha ka soo gaadhayey mar qudha maan nasan. Aad ayaa uu u hiirraagaayey, u harraadanahay, oo aan u hammuun qabaa. Wajigayga waxaa laga dareemayaa in aan dhiilaysanyahay.
Gabadhii baroor ayaa ay reerihii kula dhex dhacday, qaylay af mugii muttaxday, ragii ayey ku muusanawday. Warkii ayaa lays gaadhsiiyey in ninkii sida ba’an u laayey kalkii dhawaa reer Siigo-dheere ee Hebel, Hebel iyo Hebal kale dilay carrada cagaha soo dhigay. Dib ayaa geel jirihii isu abaabulay, seefo kal hore galka muska la galiyaa dib loo soo saaray, colaad baa lagu baaqay, in reer Caalwaa ku tiiqtiiqsanayaan reer Siigo-dheere ayaa lays dareensiiyey oo aannu maanta nin reerahaas kamid ahi dagalka soo hawaysteen iyagoo og intay geesi geeri badeen., intay habar goblamiyeen, intay gabadh assay u saareen.
Tollaay baa si sare iyo si hoosaba ba loo yidhi. Duullaan cusub baa dib loo abaabulay. Toban wiil oo xul ah, gacantoodana lagu kalsoonyahay si buuxdana loo hubo in hawsha loo diro ay sideeda uga soo baxayaan ayaa lay miidhay, fartaa loogu soo tilmaamay in aanay nolol kaga iman ninkii Xasan Gadhwayne malgay. Iyaguna wacad ayaa ay ku mareen in aanay nolol ugu soo talin. Toobiyahay soo qabsadeen, hilinka laygu hagaagayey ayaa ay cagta soo saareen, halkaan fadhiisan jiray ayaa ay iga eegeen, nasiib-darro ama nasiib wanaag kay ahaataba imay helin. In door ah ayaa ay i doon-doonayeen waanay iga quusteen. Tuuladii oo dhan ayaa mar qudha ka wada war helashay tobankan gaashaan qaad ee gaaf-wareegaya arliga. Xamxamtaa badatay, waa lays wada toyday, ugu danbayntiina waxaa la ogaaday in ay doon-doonayaan cid reeraha ka mid ah. Markii ay ka war heleen in la ogaaday ayaa ay goobtii ka dhaqaajiyeen si aan loo raacdayn, wayna iska huleeleen, oo arligoodii dib ugu laabteen.
Mar allaaliyo markaan maqlay baadi goobka khaarajintayda loogu jiro ayaa wer-wer hor leh oo aannan garanayn meel uu iiga yimi daf lay siiyey, Dhulkiibaa igu balaadhay, cirkii baan mooday in uu igu soo dumayo, dadkii oo dhan baan ka shakiyey waliba si aan kala go’ lahayn uga sii shakiyey, waan baadiyoobay oo waali aan cidi ila ogayn i asiibtay. Goddobtii ayaa nasasho ii diiday, warkii baa dhiilo culus igu noqday, wax allaaliyo wax aan sameeyaan garan waayey. Qorigaygii ayaan xambaartay. Jidadka marka aan marayo sidii qof dhimirka ka buka ayaan hadba dhan u barriiqdaa. Qofkii jidka aan marayo isku soo aadiya qorigaan ku fiiqaa, kii hub sita dhufays baan u galaa oo liishaanka saaraa. Dadkii oo dhan ayaan cabsi galiyey, sidii qof maanka ka jiran baa layska kay ilaaliyaa markaan dariiqa marayo oo marinka layga weecdaa.
Umaddii baa Rabbi fajac iyo amakaag u keenay, dhabana-hays bay ku noqotay tolkii xaalka cusub ee igu soo kordhay. Talaa dhinac walba loo rog-rogay si walba wax baa la is kula eegay, oo la damcay in si uun lay dajiyo maankaygana xasilooni loogu abuuro hasa ahaatee wacdiga iyo waanadaas tolku akhriyayo dhag jalaq umaan siin. Oo maxaan u siiyaa naftaydaan ilaashanayaaye. Ugu danbayntiina waxaa talo lagu gaadhay in lay tacabirriyo oo dhul shisheeye lay diro bal in aan soo raysto. Sidii baan qurbahan aan caawa xusuusta kula noogay ku imi.”
*****
Intaan naxay, sidii bahal i qaniinayna kor u booday ayaan indhaha marmartay oo uu xusuustii is ilawsiiyey, xabbadii sigaarka ahayd ee aan gacanta ku hayayna si cadaawe ku jirto u fiiqsaday oo afka qiiq badan ka soo celiyey oo haddana intaan maguujiyey kab buudha oo qallafsan kala daba tagay si arxan darro ahna ugu sii ciijiyey cagta, dabeed dhaqaaqay anigoo sii leh “Aheey!! Bal Maxaan U Xasuustay”, “Aheey!! Bal Maxaan U Xasuustay”, “Aheey!! Bal Maxaan U Xasuustay”.
Isha: Barqoraal