Ahfhayeenkii Ciidamada Boliiska Somaliland Oo Geeriyooday Iyo Masuuliyiin Madaxweynuhu U Horeeyo Oo Tacsi U Diray Ehelada,Shacabka iyo saddexda ciidan qaran

0
49

Alle ha u naxariistee waxa maanta magaaladda hargeysa lagu aasay afhayeenkii ciidanka booliska Somaliland marxuum gaashaanle Cabdilaahi Xasan faarax oo muddo xanuun ugu jiifay cusbitaalka guud ee Hargeysa.

tacsiguddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed cabdilaahi (Cirro) iyo madaxweynaha jamhuuriyada somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa tacsi u diray ehelada iyo saddexda ciidan qaran iyo bulshada Somaliland,ugu horeyna tacsi uu dirayo madaxweyne Siilaanyo ayaa u dhignayd sidan: Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Saddexda Ciidan qaran gaar ahaan ciidanka Booliska oo uu ka tacsiyadaynaayo geerid aku timid Afhayeenkii Ciidanka Booliska  Marxuum  Gaashaanle Cabdilaahi Xasan Faarax oo maanta 12/03/2015 lagu aasay Hargeysa, ka dib markii uu u geeriyooday marxuumku xanuun uu maalmahan u jiifay dhakhtarka guud ee Hargeysa.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tacsi taa la mida u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, waxaanu Madaxweynuhu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, ciidamada kala duwan ee qaranka somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Waxa dhanka kale tacsi tan la mid ah diraya guddoomiyaha xisbiga waddani ahna guddoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland oo u dhignayd sidan: Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Ahna Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa , ehelkii, qaraabadii, asxaabtii & dhamaan Ciidanka Booliska Somaliland geeridii ku timi

Allaah ha u naxariistee Marxuum Gaashaanle Cabdillaahi Xasan Faarax Shiil oo ahaa Afhayeenkii Ciidanka Booliska.

Ehelkiisii, Qaraabadiisii, Asxaabtiisii iyo Ciidanka Booliska & Shacabka Somalilandba Ilaahay Samir & Iimaan haka siiyo, Marxuumkana Illaahay ha siiyo Dembi-dhaaf & Janatulfir-dowsa. Aamiin.

Geesta kale Gudoomiyuhu isagoo ka wakiil ah Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, gaar ahaan xubnaha Hogaanka sare, Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe, Laamaha Dibadda iyo taageerayaasha Xisbiga WADDANI wuxu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelkii, qaraabadii, asxaabtii & dhamaan Ciidanka Booliska Somaliland geeridii ku timi

Allaah ha u naxariistee Marxuum Gaashaanle Cabdillaahi Xasan Faarax Shiil oo ahaa Afhayeenkii Ciidanka Booliska.

Ehelkiisii, Qaraabadiisii, Asxaabtiisii iyo Ciidanka Booliska & Shacabka Somalilandba Ilaahay Samir & Iimaan haka siiyo, Marxuumkana Illaahay ha siiyo Dembi-dhaaf & Janatulfirdowsa. Aamiin.

Gudoomiyuhu wuxu Eebe uga baryay inuu jannadii fardowsa ka waraabiyo marxuum Marxuum Gaashaanle Cabdillaahi Xasan Faarax ( Shiil ) qoyskiisii iyo shacbka Reer Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Illaahay Ha U Naxariisto Marxuumka.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here