Kulanka Waxaa Goob Joog Ka ahaa Guddoomiyaha KULMIYE Iyo Madaxweyne Ku Xigeenka
“Wuxuu Xil Iga Saaran Yahay Amniga Iyo Degenaanshaha Dalkan, Cid Kasta Oo Ka Tallowda Khadka Cas Ee Qarankanna Waxaan Ahay Ninka Qoorta Kala Jebinaya”
Hargeysa (Hubaal)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa xalay cawayskii kulan degdeg ah isugu yeedhay madaxda ugu sarraysa hay’adaha amniga Somaliland iyo hoggaanka sare ee xisbiga talada haya ee KULMIYE. Kulankan oo ujeedadiisu daarnayd xaallada uu dalku haatan galay waxaa ka qayb galay oo shirku kulmiyey labada janan ee ciidammada Qaranka iyo Buliiska Somaliland Sarreeye Gaas Ismaaciil Maxamed Shaqalle iyo Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi ISmaaciil, Guddoomiyaha xibsiga talada haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, Wasiirrada wasaaraddaha gaashaandhiga iyo arrimaha gudaha Axmed Xaaji Cali Cadami iyo Cali Maxamed Waran-cadde. Waxaana la sheegay in shirkaas lagaga wada hadlay arrimaha waqtigan ka taagan dalka iyo hadal haynta iscasillaadii xubnaha wasiirrada ahi kaga tagtay shacbiga, kuwaas oo madaxweynuhu faray in aanay wax saabamayn taban ah ku yeelan geedi socodka nabadeed ee dalka. Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay natiijadii shirkaas hase ahaatee goob-joogayaal u dhuun daloola dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee Madaxtooyada ayaa wargeyska HUBAAL u xaqiijiyey in Madaxweyne Siilaanyo iyo mas’uuliyiintani ay isku weydaarsadeen sida ugu habboon ee loo looga hor tagi karo saamayn taban oo is casilaada xubnahaasi ku yeelan karaan amniga qaranka.
Shirkan oo abbaaro 8:00 cawaysnimo ee saacadda Hargeysa ka qabsoomay qasriga madaxtooyada ayaa ila wareedyadu waxa ay tibaaxeen in uu ka soo dul dhacay guddoomiyaha golaha guurtida oo markii hore aan qayb ka ahayn shirka balse si kedis ah u soo galay madasha,, isagoo kulan waqti qaaban qaatay si gaar ah ula yeeshay madaxweynaha wallow aanay waxa ay ka wada hadleen jirin, haddana wararka ayaa sheegaya in uu Saleebaan-gaal laftiisu u socday arrinta lagu hayay shirka madaxtooyada.
Warku waxaa uu intaa ku darayaa in intii uu socday shirku laysku weydaarsaday aaraa ku taxalluqa dejinta xaalada iyo gogol xaadhka shirka shanaad ee golaha dhexe oo foodda innagu soo haya. Qoddobada wargeyska HUBAAL soo gaadhay in Madaxtooyada iyo xubanaha kale ee shirka fadhiyey ay isku weydaarsadeen ayaa sheegaya in uu ka mid ahaa qoddob digniin u diraya wasiirrada is casilay kuwaas oo ajanduhu ku tilmaamay in ay yihiin kuwo l tallaabooyinka laga fili karo in ay la yimaadaan jawaab u noqda.
Shirkan oo markii dembe layskula qaatay qoddobo tallooyin siinaya madaxweynaha ayaa ka qayb galayaashu waxa ay ku baaqeen in aan istiqaallada wasiirradani waqti ka lumin geedi socodka shirka iyo hawlaha kale ee qaranka u yaalla, sidaas darteed uu madaxweynuhu dhakhso u buuxiyo jagooyinka ay banneeyeen xubnahaasi.
Dhinaca kale wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde ayaa xubnaha xukuumadda ka baxay u diray hanjabaad culus oo tilmaamaysa sida ay xukuumad ahaan uga go’an tahay tallaabada fal celinta ah ee lagu waaji doono dhaqdhaqaaqa xubnahan laga fili karo. Wasiirku waxaa uu u digay in istiqaalladoodu dhaxalsiiso qaranka xasillooni darro.
“Anigu qaranka ayaan taabacsanahay oo wasiirkii daakhiliga ayaan ahayoo oo wuxuu xil iga saaran yahay amniga iyo degenaanshaha dalkan, cid kasta oo ka tallowda khadka cas ee qarankanna waxaan ahay ninka qoorta kala jebinaya” sidaa ayuu yidhi WAsiirka wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Waran-cadde oo shalay mar uu warbaahinta maxalliga ah ugu warramayay magaalada Hargeysa ay wax ka weydiiyeen loollanka KULMIYE ee kala irdheeyey wasiirradii xukuumadda iyo garabka Warancadde ahaan loo tirin karo in uu taabacsan yahay. Su’aashaas oo uu jawaabteeda raaciyey hadal nuxurkiisu taabanaya waajibka wasiir ahaan laga filayo marka xaalladu dhaafto halka loogu talo galay, waxaanu intaa ku daray “haddii kuwa aan taageersanahay uu yahay iyo haddii kuwa kale uu yahay anigu waxaan ahay ninkaas aan idiin sheegay in uu qoorta kala jebinaya cidda khadka cas dhaafta. Fariinta aan u dirayo garabka iska casilay xukuumadduna waxaa ay tahay run ahaan inaanay jirin cid wadankan nabadgelyadiisa uu uga baqayo in ay wax yeesho, sidaas darteed wax hanjabaad meesha keeni karaaba ma jiro”.