Waxay ahayd subaxnimadii maalinkii salaasada ee afartii bishan July, kaddib markii aniga iyo koox suxufiyiin ah aanu safar aqoon korodhsi ah ugu baxnay tuulada Xaraf ee duleedka galbeedka ee magaalada Hargeysa. Safarka oo ay nagu wehelinayeen macallimiin u dhalatay dalka Jarmalka kana socotay Telefishanka DW News ee fadhigiisu yahay dalkaasi jarmalka oo aqoon korodhsiga bixinaayay ama tababarka ayaa waxa aanu magaalada Hargeysa ka ambo baxnay siddeedii subaxnimo anagoo halkii aanu u soconay oo ahayd Xaraf gaadhnay abaaro sagaalkii iyo badhkii subaxnimo.
Safarka oo qaatay saacado kooban ayaa markii aanu tagnay tuulada Xaraf waxaanu durba horay ka galnay ujeedadii aanu halkaasi u tagnay oo ahayd in aanu muuqaallo kala duwan kasoo duubno deegaanka Xaraf oo booyadaha biyuhu magaalada Hargeysa ay uga soo dhaamiyaan.
Tababarka ama aqoon korordhsiga oo ku saabsanaa qaabka sawir qaadista ayaa waxa aniga iyo kooxdii suxufiyiinta ahayd halkaasi ka samaynay muuqaallo iyo sawirro kala duwan oo ku saabsanaa mawduucii aanu u tagnay deegaanka Xaraf, iyadoo macallimiintii jarmalka ahaa ee nala socday ay iyaguna markasta noo ahaayeen kuwa na hagaya oo hadba wixii talo iyo tusaaleyn ah na siinaya.
Muddo markii ay socotay shaqada muuqaal qaadista ama sawir qaadista ee na loogu talo galay in aanu ku tababarano ayaa waxa ay gaadhay wakhtigii aanu nasan lahayn ama aanu yar nusu-saacayn lahayn, waxaana aanu dib ugu soo noqonay baskii ama gaadhigii aanu usoo raacnay magaalada oo ay noo sii taallay waxoogaa cunto fudud ah oo na loogu talo galay in aanu cuno wakhtiga nasashada.
Kaddib markii qaarkayo ay cuneen ama ay laasteen cuntadii fududeed oo ka koobneed sharaab nooca caagadaha ah iyo Saanweej ayaa waxa ay bilaabeen in bacihii iyo caagadihii ay sharaabka ka dhameysteen ay ka tuuraan daaqadda baska iyagoo ku dhex tuuraya Beer ka ag dhaweyd gaadhiga aanu saarnayn ee baska.
Mid kamid ah labadii macallin ee tababarka bixinaayay ee Jarmalka ahaa ayaana arkay falka ay ku dhaqaaqeen ardaydiisii ee ah inay caagadihii iyo qashinkii kale ee ay cuntada ka cuneen ku tuureen isla goobtii ay joogeen oo ahayd goob beer ah, waxaana uu bilaabay macallinkii in uu baska ka dego oo uu gacantiisa kusoo guro caagadihii madhnaa ee ay sharaabka ka cabeen ardaydu iyo qashinkii kale isagoo aad wajigiisa ka dheehan karto sida uu uga xumaaday falka ay ku dhaqaaqeen ardaydiisu.
Markii aanu aragnay shaqada uu bilaabay macallinku ayaa waxa ay nagu noqotay anfariir iyo naxdin waxaana aanu bilownay in aanu gurno hadhaaga qashinkii ku daatay beertii aanu ka ag dhaweyn kuwo naga mid ahina waxay bilaabeen inay ku tiraabaan hadallo muujinaya sida ay u damaqday ninka aan muwaadinka ahayn ee gartay waxa ay garan waayeen muwaadiniintii waddanka u dhalatay “isagoo Ajnabi ah ayuu innaga wadddanisanaaday taasi waxay ceeb ku tahay innaga” mid naga mid ah ayaa sidaas yidhi.
Sheekadan aan idiin soo qaddimay kuma koobna oo kaliya dhacdadaas oo kaliya ee balse waxaynu isla wada ognahay dhammaanteen in heerka waddaniyada ee dadkeenu uu aad u hooseeyo marka loo eego dadyowga kale ee wadamada dunida innala midka ah, waxaanad moodaa marka aad u fiirsato dhaqamada iyo qaab nololeedka dadkeena in heerka waddaniyada ay aad ugu hooseeyaan. Anigu lama yaabo badanaa dadka muwaadiniinta ah ee aan waddaniyiinta ahayn sababtuna waxay tahay Manhajka waxbarashada ee dalkeena ayaaba kuba salaysneen Waddaniyad mana ku jirto inta aan ka ogahay maadada ama xiisadda Waddaniyadu taasina waxa la odhan karaa waa sababta ka dambeysa in dadka badankoodu aanay noqon muwaadiniin waddaniyiin ah.
Haddaba, xukuumadda gaar ahaan wasaaradda waxbarashada waxaan usoo jeedin lahaa in ardayda da’ yarta ah ee ku jirta waxbarashada dugsiyada iyo jaamacadaha loogu daro maadooyinka ay dhiganayaan maadada Waddaniyada si ay u noqdaan kuwo dalkooda jecel oo kalsooni ku qaba , lana baro xaqa uu dalku ku leeyahay iyo ka ay iyagu ku leeyihiin.
W.Q: Khaalid Foodhaadhi
Hargeysa, Somaliland.