Ajendaha Shir Farriin Xambaarsan Madaxweyne Siilaanyo Shalay La Qaatay Boqollaal Xubnood Oo Xukuumadda Xilal Ka Haya & Nuxurka Khudbad Dhegaha Shacabka Ku Cusub Oo U Jeediyey

0
16

“Kulankani Waxa Uu Daaran Yahay Toosinta Dhaliilaha   Jira, Dardargelinta Hawlaha Umaddu Inoo Igmatay Iyo Isku-Xidhka Xukuumadda Iyo…..”

“Anigoo Kalsooni Ku Qaba Kartidiina Haddana Waxaan Idinku Dhiirigelinayaa Inaad Daacadnimo Ugu Shaqaysaan Dalka”

GetAttachment

Hargeysa (Hubaal) – Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud(siilaanyo), ayaa maalintii shalay kulan aan hore loo arag iskugu yeedhay Dhammaanba Golihiisa wasiirrada oo ay weheliyaan Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradahaas, iyadoo si weyn loo falanqeeyey sidii loo dardar gelin lahaa Hawlaha xukuumaddu Bulshada u hayso. Kulankan oo lagu qabtay Qasriga Madaxtooyada Somaliland, ayaa waxa Khudbad nooceedu Golaha wasiirrada ku cusub yahay ka jeediyey Madaxweyne Siilaanyo, waxana uu tilmaamay in baahi badan loo qabo sidii dib-u-eegis loogu samayn lahaa shaqada xukuumaddu hayso iyo waliba wada-shaqaynta ka dhexeysa Hay’adda kala duwan ee Dawladda. Ugu horrayn madaxweyne Siilaanyo oo la Hadlay Telefishanka Qaranka, ayaa xubnihii shirkaas fadhiyey si buuxda ugu faahfaahiyey ujeeddada shirkaas, isagoo carrabka ku dhuftay in baahi loo qabo sidii loo sixi lahaa dhaliilaha jira,“Shirkan aan iskugu yeedhay golaha Wasiirrada iyo Agaasimayaasha guud ee aan hore u jirini waxa uu daarran yahay is-waraysi iyo warar kala helid, dardargelinta Xilka iyo Hawlaha umaddu inoo igmatay, adkaynta iyo wada-shaqaynta xukuumadda dhexdeeda ah, isku-xidhka xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye, toosinta dhaliilaha dhabta ah ee jira iyo  talo iyo tusaale wixii dan loo arko.” Ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo. Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata, ayaa madaxdii halkaasi fadhiday kula dardaarmay inay shaqada ay qaranka u hayaan daacadnimo ku daraan, isla-markaana dedaalkooda sii libin laabaan, waxana uu yidhi,“Ugu dambayn golihiinan wasiirrada iyo agaasimayaasha guud waxan idinka mahadnaqayaa sida hagar la’aanta ah ee aad u gudateen xilkii iyo waajibaadkii aan idiin igmaday, anigoo kalsooni badan ku qaba kartidiina haddana waxan idinku dhiirrigelinayaa inaad isku duubnaataan, dedaalkiinana libin-laabtaan, daacadnimona dalka ugu shaqaysaan.” Kulan, ayaa waxa fadhiyey Masuuliyiin tiradoodu ku dhaw dahay Boqol qof oo iskugu jira wasiirrol, ku-xigeenno, Wasiiru-dawlayaal iyo agaasimayaal Guud, waxana ay dhegaysteen dardaarankii madaxweynaha, iyadoo kulankaasi kusoo dhammaaday ballamo lagu galay in dardargelin ballaadhan lagu sameeyo dhammaanba Hawlaha xubnahaasi qaranka u hayaan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here