Ajendaha Socdaal Ay Galabnimadii Shalay Dalka Ku Yimaadeen Wefti Ka Socda Dawladda Dhexe Ee Itoobiya

0
27

Xukuumadda Somaliland Oo Soo Dhawayn Diiran Ku Qaabishay Weftigan Oo Uu Hoggaaminayo Wasiiru-dawlaha Khaarijiga Itoobiyaetoobiya

Hargeysa (Hubaal)- Wafti balaadhan oo uu hor kacayo wasiiru dawlaha  arrimaha dibada ee dawlada Fadaraalka ah ee Ethiopia ayaa galabnimadii shalay dalka socdaal ku yimi, si diirranna loogu soo dhaweeyey caasimadda Hargeysa. Weftigan oo uu hoggaaminayo Wasiiru dawlaha arrimaha dibeda ee dalka Itoobiya isla markaana ay xubno ka yihiin masuuliyiin sare oo ka tirsan xukuumadda Raysal wasaarae Haylemaryam ayaa masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland oo uu kamid yahay wasiirka arrimaha dibeda iyo xidhiidhka caalamiga ah ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire si diirran ugu soo dhaweeyeen Madaarka caalamiga ah ee Hargeysa, sidoo kale waxaa xubnaha xukuumadda Somaliland ee qaabilay weftiga kamid ahaa wasiirka ganacsiga iyo maalgashiga Somaliland Eng Xuseen Aadan Cige (Deyr) iyo masuuliyiin kale.

Ujeedada waftigan ayaa sida la sheegay dulucdiisu tahay sidii xidhiidhka labada dal loo sii xoojin lahaa iyo sidoo kale Ambaqaadka marshuuca wayn ee Berbera Corridor iyo arimo kale oo ay ka mid tahay sidii dalka Ethiopia u isticmaali lahaa maarsada qadiimka ah ee dekeda Berbera. Sidoo kale warar aan xaqiijintoodu sugnayn ayaa iyagu tibaaxaya in ajandaha safarka ee waftigan uu qayb ka yahay xallinta shaqaaqaddii xasuuqa ahayd ee deegaanka Gaashaamo ee hawdka sare ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya ka dhacday, kaasi oo shacbiga Somaliland gaar ahaanna Hargeysa iyo magaallooyinka kale ee waaweyn si adag looga damqaday, iyada oo qaybaha kala duwan ee bulshadu ay dareen xajiin leh ka qaaday falkaasi ay ciidammada Liyuu Boolisku ku xasuuqeen dad maati u badan oo tiradoodu kontameeyo ku dhawday kuwaasi oo ku dhaqnaa tuullada Jaamac Dubad oo ka tirsan degmada Gaashaamo ee dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here