AKHRI: Cuqaasha Borama oo badhasaabka Gobolka ka dalbaday inay Xukuumaddu dalka dib ugu soo celiso muwaadiniinta Reer Awdal ee Jabuuti loo dhiibay

0
29

Borama(Hubaal) Cuqaasha Gobolka Awdal ayaa kulan ay madaxda Maamulka Gobolka iyo kuwa Degmada Borama ku yeesheen magaaladda Borama kaga dalbaday in dalka dib loogu soo celiyo Muwaadiniin Reer Awdal ah oo loo gacan galiyey Dalka Jabuuti.

cabdooXubno metelayey Cuqaasha isla markaana Afkooda ku hadlay ayaa Badhasaabka iyo Maayarka si adag uga dalbaday in Dalkooda lagu soo celiyo dadka Reer Awdal ee loo dhibay Jabuuti, iyagoo xukuumadda ku canaantay in ay ahayd haddii dadka danbi lagu haysto in dalkooda lagu maxkamadeeyo.

cuqaasha boorama

Cuqaashu waxa ay sheegeen tiro badan oo Reer Awdal ah in si joogto ah bishii ugu danbaysay loogu dhiibay Ciidmadda Jabuuti, waxaanay talaabadaas ku tilmaameen mid sharci daro ah oo ay Xukuumaddu ku xad-gudubtay.

Badhasaabka Gobolka Awdal Cabdoo Aayar ayaa Cuqaasha uga jawaabay Eedaymaha ay Xukuumadda usoo jeediyeen, waxaanu sheegay sida uu wasiirka Arrimaha Guduhu balanqaaday in dadkaas lagu soo celin doono dalkooda, isla markaana halkan lagu maxkamaddayn doono.

Badhasaab Cabdoo oo la hadlayey Cuqaasha ayaa sheegay in masuuliyaddi ka saarantahay amaanka Dalka Xukuumadda, sidoo kalena ay masuuliyaddi ka saran tahay ilaalinta xuquuqda muwaadiniinteeda sidaas darted looga baahan yahay Cuqaasha iyo dadka Reer Somalilandba sidii ay isaga kaashan lahaayeen adkaynta Nabadgelyada.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here