Hargeysa(Hubaal):- Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Ahna Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro Ayaa Maanta Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Ka Dib Safar Caafimad Oo Uu Dalka Kaga Maqnaa.1
Gudoomiyaha Oo Ka Soo Degay Garoonka Diyaaradaha Ee Maagalada Hargeysa Ayaa Waxaa Halkaasi Ku Soo Dhaweeyey Xildhibano ,Masuulyiin Sare Sare Oo Ka Tirsan Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani , Dhalinyaro ,Haween Iyo Tageerayaal Aad U Faro Badan .
Gudoomiyaha Ayaa Markii Uu Ka Soo Degay Diyaaradii Uu La Socday Ayaa Waxaa Uu Dadkii SOo Dhaweenayey uu u Gacan Qaaday Mid Mid .
Intaasi Ka Dib Waxaa Gudoomiyuhu U Soo Gudbay Qolka V.I.P Ee Madaarka Halkaasi Uu Uu Warbaahinta Kula Hadlay .
Gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro Waxaa Uu Ka Hadlay Wax-Yaabaha Uu Daarna Safarkii Uu Dalka Dibadiisa Ugu Maqanaa Oo Uu Sheegay In Uu Mid Khaas Ah Oo Uu Xaalad Caafimad Ugu Baxay Gudoomiyaha Ayaa Waxaa Uu Sidoo Kale Ka Hadlay Warar Dhawaan Ka Qortay Warbaahinta Dalku Oo Sheegayey In Gudoomiyhu Uu Kulamo La Yeeshay Madax Ka Socota Dawlada Somaliya Iyo In Gudoomiyuhu Warqad Uu Ku Sheegay In Uu Aaminsan Yahay Fikirka Federaalka Somaliya Uu U Direy Dawlada Finland .
Waxaana Uu Gudoomiyhu Arintaasi Iyo Wararkaasi Uu Ku Tilmaamay Qaar Aanay Waxba Ka Jirin Madax Dawlada Somaliya Ka Tirsan Oo Uu La Kulmayna Aanay Jirin Sidoo Kalana Warqada La Sheegay In Uu U Qorey Dawalda Finland Aanay Jirin Balse Waxaa U Gudoomiyhu Arintaasi Ay Ku Sifeyey In U Jeedada Ka Danbeysa Ay Tahay Wakhtigii Doorashooda Oo Soo Dhawaadey Isla Markaana Ay Tahay Arin Ceeb Ku Ah Cid Kasta Oo Qortay Wararkaasi Uu Uu Gudoomiyuhu Si Dublamaasiydeysan Uu Carabka Ugu Godey In Ay Ka Danbeyeen Oo Ay Qoreen Xukuumada Talada Haysa Iyo Warbaahinta Afkeeda Ku Hadasha Waxaana UU Yidhi “ Mudadii Aan Maqnaa Sidii Cadada U Aheyd Wargeyso Iyo Warbaahin Kale Oo Ku Xidhan Xukuumada Waxay Sida Awalba Iga Qori Jiren Waxaa Ay Iga Qoreen Warar Been Ah Wararkas Beenta Ahna Waxaa Ugu Danbeyey Warqad Ay Yidhaahden Gudoomiye Ciro Ayaa U Qorey Dalka Finland Waxaan Umadeyda Rer Somaliland Iyo Tageerayaasha Xisbiga Wadani Ba Aan U Sheegaya Una Cadeynayaa In Aanay Wararkaasi Aanay Waxba Ka Jirin Balse Ay Tahay Beentii Awalba La Iga Qori Jiray “ Ayuu Yidhi Gudoomiye Ciro
Sidoo Kale Waxaa Uu Gudoomiye Ciro Uu Ka Hadlay Muddo Kordhinta La Filaayo In Golaha Guurtidu U Sameyn Xukuumada Talada Haysa Waxaana Uu Gudoomiyuhu Ka Digey In Muddo Kordhintaasi Ay Ka Badato Inta Ay Kominshanka Doorashooyinku Codsadeen Oo Hal Sano Ah .
Dhinca Kale Gudoomiye Ciro Waxaa Uu Xukuumada Talada Haysa Ugu Baaqey In Ay Xabsiga Ka Sii Deyso Gudoomiyihii Xuquuqul Iinsanka Somaliland Gueleed Axmed Jaamac Oo Xabsiga Ku Jira
Ugu Danbeyntii Waxaa Uu Gudoomiye Ciro Oo Socod Lug Ah Kaga Soo Baxay Qolka V.I.P Ee Madaarka Hargeysa Isagoo Socdaalkaasi Lugta Ah Ku Soo Gaadhay Kaantaroolka Laga Soo Galo Caasimada Hargeysa Waxaana Uu Gudoomiyuhu Intaasi Uu Socdaalka Lugta Ah Uu Ku Jiray Uu Salaan La Soo Dhex Qaadaayey Kumaan Kun Qof Oo Ka Mid Ah Taagerayaasha Xisbiga Wadani Uu Gudoomiyaha Soo Dhaweyntiisa Diyaar U Ahaa .
Gudoomiye Ciro OO Dadweynhaasi La Hadlay Ayaa Waxaa Uga Mahad Naqay Sida Wanagasan Ee Ay U Soo Dhaweeyeen Waxaana Uu Ugu Baaqey In Qeyb Ka Qaadtan Nabad Galyada Dalka.