Jamaal Cali Xuseen Oo Sheegay In Dhaqaale Iyo Sayaasad Xumo Ragaadisay Dalka iyo Xukuumadda Siilaanyo Oo Uu sheegay inaanay dalka daacad u ahayn
Hargeysa(Hubaal):- Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa sheegay inuu dalku u baahan-yahay hogaan daacada,isaga oo ku dooday inay Somaliland u baahan tahay qof dhaqaala-yahan ah oo wax baddan dalka ku soo kordhiya.
Jamaal Cali Xuseen waxa uu sidaa xalay ku sheegay Munaasibad Xisbiga UCID ku soo dhaweeyey Beesha reer Axmed Cabdalle ee Sacad Muuse oo ka soo digarogatay Xisbiga KULMIYE oo ay sheegeen inay hore uga tirsanaan jireen, isla markaana ku soo biireen Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka ee UCID.
Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa waxa uu yidhi “Caawa (Xalay) waa habeen taariikhiya oo aad moodeysid inay hawadii Siyaasadu is-bedel sameynayso,waxaynu ka soo oodanay Siyaasadii arrimaha dibadda,dhaqaalihi iyo arrimo kale.Imika waxa ugu darran qaramada midoobay oo kolba liis soo saarayaa oo ay Somaliland ku darayaan,oo berigii hore Somaliland liiska xagga fiican ayay ka geli jirtay,maalin dhaweyd waxa laynagu daray liiska waddamada dhoofiya xayawaanka aadka ugu tirade yar adduunka oo ah hariima-cadka.”
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Su’aasha meesha taala waxa weeyaan muxuu dalka Somaliland u baahan yahay? Dalku waxa uu u baahan yahay hogaan-daacada,anigu u maleyn-maayo ragga madaxtooyada isku uruursaday doorkan maanta inay Somaliland daacad u yihiin. Shacabka reer Somaliland sidii ay awalba is-bedelka Siyaasadeed codka fartooda ugu bedeli jireen ayay ugu bedeli doonaan, cid xoog ku heysan kartaana ma jirto, ciddii kale ee ay doonayaan ayey siinayaan, ilaa dalkeenu uu helo dad daacada oo aqoonta u ah ehel, oo qof walba waxa uu ku soo qabtay lagu qiimeeyo dalkeenu horumar gaadhi maayo.”
“Waad ogtihiin inay dawladani dhaqaalaheeni ay sixir barar ku sameysay,Dalku waxa uu maanta u baahan yahay cid dhaqaalaha taqaana oo ku soo shaqeysay, Siyaasadeeni arrimaha dibadu hoos ayey u degtay,”.Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.