AKHRI: Daraasad  Ku Saabsan Machadka Dooxadda Rift Valley Ee Xaruntiisu Tahay Magaallada Hargeysa

0
106

Dhaqaalaha ku baxa Doorashooyinka Somaliland + Maal-galinta Ururrada Axsaabta iyo Musharixiinta

Daraaasadan waxa lagu soo bandhigay Madasha Machadka Dooxada Rift Valley ee Nairobi (Nairobi Rift Valley Institute Forum) horaantii sandkan 2016. Madashaas oo ah mid lagu gorfeeyo laguna falanqeeyo doodaha muhiimka ah ee siyaasadda, dhaqaalaha, iyo arimaha bulshada ee Geeska Afrika, Bariga iyo Bartamaha Afrika, Suudaan iyo Suudaanta Koonfureed. Waxa soo bandhigay Machadka Dooxada Rift Valley loo yaqaan (Rift Valley Institute) oo ah Machad ka hawlgala Daraasadaha Bariga iyo Bartamaha Afrika si aqoonta maxalliga ah looga faa’iideeyo arimaha bulshada, siyaasadda, iyo horumarka dhaqaalaha. Waxa maalgeliyey Dowladda Ingiriiska, Waaxda Horumarka Caalamiga (funded by the UK Department for International Development) (DFID).

Daraasadan waxa lagu ogaaday in kharashkii ku baxay ololihii kaambeynka doorashadii 2012 ee golayaasha deegaanka Somaliland lagu qiimeeyey in uu noqon karo in ka badan $50Million oo Doolarka Maraykanka ah, kaas oo aad uga badan kharashka dhaqaalaha ku bixiyay hawlaha diyaarinta iyo agaasinka Dorashadaas. taas oo u dhiganta kala badh oo badh, kharashkii Miisaniyada Qaranka Somaliland ee sanadkii 2012.

Sidoo kale, daraasadan waxa ay daah furtay isbarbardhiga ilaha dhaqaalaha kambeynka dorashooyinka Somaliland iyo toban Dal oo African ah oo ka mida dalalka loo yaqaan Sub-Sahara African, iyo waxtarka ama saamaynta tooska ah ee dhaqalahan ku yeeshaan bulshada xilliga doorashooyinka, iyo weliba qiimeynta tirade shakhsiyaadka musharaxiinta deyn u gala dhaqaalaha ololaha kaampeenkooda.

fuaad-axmed-xusseen

Si kastaba ha ahaatee, iyadoo aan maqaalkan lagu soo koobi karayn Macluumaadka guud ee daraasadan xambaarsantahay, waxaan ka soo xulay nuxurka qodobada ugu muhiimsan. Wixii faahfaahin dheeraad ah, kala xidhiidh ciwaanka (www.riftwalley.net).

 

Shaxdan kor ku xusan waxa ay iftiiminaysaa in Somaliland kaga wanaagsantahay dhamaan 10ka Dal ee Afrikaanka ah ee la barbar dhigay dhinaca ilaha dhaqaalaha kaampenka doorashooyinka ee qabsoomay sanadihii 2005 ilaa 2012. Taas oo muujinaysa in Somaliland ku wanaagsantahay dhinaca Ilaha dhaqaalaha kaampenka Musharaxiinta oo ah mid shaqsigu gaar u leeyahay ama qoysaskooda iyo eheladu ku deeqaan.

 

Gabogabada iyo Talooyinka Daraasada

Somaliland waxa ay amaan iyo habayd ku kasbatay guulaha dimuqraadiyadeed, taas oo ku suntan doorashooyinkii taxanaha ahaa ee qabsoomay intii u dhaxaysey (2002-2012). Si kastaba ha ahaatee, doorashooyinka marba marka ka danbaysa sii noqonaya kuwo xambaarsan dano dhaqaale oo siyaasadeed iyo xaddiga dhaqaale ee aan hore loo arag ee ku baxa, gaar ahaan doorashadii u’dambeysey ee golayaasha deegaanka Somaliland ee la qabtay 2012 oo ka dhacday dal ka mid ah dalalka ugu faqiirsan dunidda, ayaa khatar galinkarta sumcadda ay Somaliland ku kasbatay doorashooyinkii taarikhiga ahaa.

Doorashadii golaha deegaanka ee sanaddii 2012 waxay musharaxiin badani ku bixiyeen lacago farabadan iyaga oon ka helin wax faa’iido ah, taasina waxay tilmaamaysaa in ay qaarkood ku xisaabtameen in ay si xun u isticmaalaan hantida Dawladda marka la doorto si ay magdhow ugu helaan dhaqaalihii ka baxay ama ay deynta ku qaateen. Shayga khar­ashka ugu badan kaga baxay musharrixiintu waxa uu ahaa iibinta iyo qaybinta qaadka, kaas oo dad badani u arkaan dhibaato ku sii korodhaysa bulshada Somaliland. Intaa waxaa dheer, iibsiga cododka oo ahaa mid aad u badan iyo kharashka dillaaliinta Musharaxiinta oo iyana ahayd arrin ugub ah oo ku cusub doorashooyinka Somaliland. Taas  oo Kharashaadka musharrixiintu ku  bixiyeen ololaha kaampeenka dorashadu uu ahaa mid aad uga baaxad wayn sidii markii hore loo haystay.

Sidoo kale tirada cod bixiyayaasha codeeyey doorashadii u dambeysey ee golayaasha deegaanka Somaliland ee 2012 ayaa noqotay tii ugu baaxadda weyneyd abid taariikhda doorashooyinka Somaliland soo maray. Taas oo isugeyn guud codadku noqdeen (Sideed Boqol iyo Labaatan Kun iyo Boqol iyo Lixdan Cod (820,160 votes).

Sikastaba ha ahaatee, waxa haboon in la dhaqan geliyo sharciga xadaynta dhaqaalaha kaampeynka doorashooyinka Somaliland oo la ansixiyey balse aan dhaqan gelin, si looga taxadiro in aanay markale dib u dhicin arrimahan oo kale doorashooyinka dambe, gaar ahaan doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ee la qorsheysan March 2017.

Fuaad Axmed Xusseen

Hargeisa

 untitled-vert

 

 

 

 

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here