AKHRI: Dawladda Turkiga Oo Sababo Amni-Darro Ula Baxaysa Shaqaalaha Safaareeda Muqdisho

0
30

 

Muqdisho (Hubaal)- Dawladda Turkiga, ayaa si degdeg ah u go’aansatay inay magaalada Muqdisho kala baxdo shaqaalaheeda ka hawlgala safaaradda ay ku leeyihiin caasimadda Soomaaliya, kadib markii laga dayriyey xaaladda ammaan, isla markaana sii xoogaysteen dilalka iyo weerarrada Al-shabaab ka fuliyaan halkaas.  Sida lagu baahiyey qaar ka mid ah warbaahinta Xamar, safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mr. Kani Turan, ayaa isugu yeedhay dhammaanba shaqaalahooda ka hawlgala magaalada Muqdisho, isagoo amar ku siiyay inay si degdeg ah uga baxaan dalka Soomaaliya, kuna wargeliyey in aan xilligan la isku halayn karin ammaanka caasimadda Muqdisho.  Sida wararku sheegeen, shaqaalaha safaaradda Turkiga, ayaa u hoggaansamay amarka safiirkooda, kuwaasoo qaarkood durba ka baxeen Muqdisho, iyagoo ka dhoofay madaarka Xamar, arrintasoo ka dambaysay amni-darrada xooggan ee ka jirta Muqdisho iyo hawlgalada joogtada ah ee ururka Al-shabaab ka fuliyaan halkaas.

Qaar ka mid ah shaqaalaha safaarada, ayaa la sheegay in iyaguna aad uga xumaadeen amarka lagu siiyey inay ka baxaan Muqdisho, iyagoo aaminsan in arrintani sumcad-xumo ku tahay Soomaaliya, meeshana ka saari karto xidhiidhka u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya.

 

Dhinaca kale, kulanka dhexmaray safiirka Soomaaliya u qaabilsan Turkiga iyo shaqaalahooda ka hawlgala Soomaaliya oo ka dhacay xarunta Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayuu ku sheegay Safiirku in dawladdiisu ka walaacsan tahay ammaanka shaqaalaheeda.

Danjiraha_Turkiga_ee_Soomaaliya

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here