AKHRI: Dhibaatooyin Kala Haysta Maamulka Golaha Deegaanka Boorama Iyo Xafiisyada Adeega  Nootaayooyinka Gobolka

0
84

HALKAN KU Dhufo Si Aad U Akhrisato Xeerka Nootaayooyinka JSL Ee (Xeer No. 18/2001).

Boorama (Hubaal) – Maamulka Golaha Deegaanka Boorama iyo xafiisyada nootaayooyinka ee ka hawlgala magaalada Boorama ayaa isku afgaran la’ arrimo door ah oo khuseeya dakhliyada ka soo baxa kala wareejinta dhulka, beeraha, dhismayaasha, iyo hantida kale ee u kala wareegaysa dhinacyada kala iibsada ama isku hibeeya.

Sida uu ku soo waramayo weriyaha Saxafi ee gobolada galbeedka Somaliland, Maxamed Cumar Sheekh, labadii bilood ee u dambaysay oo kala iibsiga dhulka iyo dhismayaasha magaaladuba sii xoogeysteen, ayaa masuuliyiinta Golaha Degaanka Boorama qaarkood eedo badan u tirinayaan xafiisyada nootaayooyinka iyagoo ku eedeynaya inay been abuur ka sameeyaan dhaqaalaha lagu kala iibsaday hantida ma-guurtada ah, dhismayaasha iyo dhulbeereedyadaba, iyagoo sida la sheegeyo been abuur ka sameeya dakhliga mid kastaaba ka helay ama ku bixiyey hantidaasi si markaas hoos loogu dhigo dhaqaale dawladda Hoose ka heli lahayd kala wareejintaasi.

NootaayoSida lagu sheegay warbixin dhawaan xubno ka tirsan Golaha Degaanka Boorama kaga doodayeen dakhliga hantida ma-guurtada ah uga soo hoyda dawladda Hoose ayaa waxay ku eedeeyeen in xafiisyada nootaayooyinku ka been abuuraan dhaqaalaha la kala siistay hantidaasi si dawladda looga lunsado dhaqaale xoog leh oo lagu kabi lahaa miisaaniyadda dalka, wuxuuna xildhibaankaasi sheegay inay dhacday in guri la kala siistay $500,000 (shan boqol oo kun oo doolar) dawladda Hoose loogu sheegay in gurigaasi la kala siistay $50,000 (konton kun oo doolar).

Dhinaca kale qaar ka mid ah xafiisyada nootaayooyinka Boorama oo Wargeyska Saxafi wax ka weydiiyey eedahaasi ayaa beeniyey balse waxaanay meesha ka saarin inay jiraan shakhsiyaad magacooda sheeganaya oo ku dhaqmi kara arrimaha noocaas ah, laakiin intoobada badan aanay iyagu isku dayin inay waxyeelo gaadhsiiyaan dakhliga dawladda dhexe iyo tan hooseba.

Si kasta ha ahaatee, arrinta ayaa lagu tilmaamaa inay tahay dhibaato bulshada degmooyinka dalka oo dhan ku baahsan, oo dhaqaale cashuureed oo badan oo dadka iyo magaalooyinkaba wax loogu qaban lahaa lagu lunsado, isla markaana ay arrintani hormood ka tahay tabaha cashuur-lunsiga ee ugu xoogga badan.

HALKAN KU Dhufo Si Aad U Akhrisato Xeerka Nootaayooyinka JSL Ee (Xeer No. 18/2001).

xeerka nootaayooyinka

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here