Durduri(Hubaal/OWN) Laba doonyood oo sidey shixnado aan la garanayn ayaa dabayaaqadii toddobaadkii dhammaaday waxay kusoo xidheen xeebta Durduri ee bariga ka xigta magaala-xeebeedda Laasqoray.
Doonyahan ayaa sida ay sheegayaan warar xog ogaal ah oo aannu degaankaas ka helnay waxa laga leeyahay waddanka Eeraan iyadoo wararku intaas kusii darayaan in labadaas doonyood weli ku jiraan badda Laasqoray kuwaasoo aan la garanayn inay sugayaan shixnado kale oo ay halkaas ka qaadi doonaan iyo inay badda xaalufinayaan ama wasakhaynayaan.
Dhiaca kale 26/7/2014 abbaara 1:00 habeennimo waxa magaalada Badhan uga dhaadhacay dhinaca xeebta Laasqoray nin kazoo jeeda qoyska saldanadda degaankaas u arrimisa “Keyse Cali Garraad” iyo shakhsiyaad Soomaali iyo Carab isugu jira oo markooda horeba bulshadu intooda badani is weydiinayeen jahada ay kazoo galeen magaalada Badhan islamarkaasna magaalada Laasqoray usii dhaafay dhinaca Durduri oo ah goobta xilligan doonyahaasi yimaaddeen halkaasna ay dib uga laabteen kuwaas oo loo malaynayo inay ku lug leeyihiin imaatinka doonyahan kusoo xidhtay xeebta Durduri.
Sikastaba ha ahaatee arrimahan ayaa la odhan karaa waxay meesha soo galeen kolkii dhowaan xukuumadda Somaliland ciidankii ilaalada xeebaha G/Sanaag u kala qaybisay laba qaybood (Sanaag-bari iyo Sanaag intiisa kale). Waxana dhalliilo xooggan oo xagga isku duubnaanta iyo waxka qabashada ilaalinta xeebaha ahiba durba kazoo yeedhayaan ciidankii loo qaybiyey ilaalinta xeebaha ee sanaag-bari.