AKHRISO: Ujeeddada Shirweynahaas Oo 30-ka Bishan Ka Furmi Doona Caasimadda Mexico City Iyo Qoddobada Ku Xardhan ajendaha Martiqaadkaas
Mexico City (Hubaal )- Guddoomiyaha Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka Somaliland Ee UCID Eng. Feysal Cali Waraabe iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa socdaal ugu Ambo-baxay caasimadda Wadanka Mexico ee qaaradda Latin America, halkaas oo uu kaga qayb galayo Shirweynaha Axsaabta siyaasadda adduunka ee xubnaha ka ah Dallada Ay ku bahoobeen Xisbiyada Adduunku ee loo yaqaan The Socialist International (SI)
Guddoomiyaha UCID oo xisbigiisu xubin ka yahay Dallada loo soo gaabiyo SI (socialist International) ayaa isaga oo metelaya dalkan Somaliland waxa uu Shirweynaha kaga qayb galayaa magaaladda Mexico City ee Caasimadda dalkaasi Mexico halkaasoo uu ka furmi doona 30-ka bishan June illaa 01-da July ee sanadkan, iyadoo khudbadda furitaanka uu shirkaasi ka jeedin doono Madaxweynaha dawladda wadanka Mexico Mr. Enrique Peña Nieto.
Guddoomiyaha oo galabnimadii Khamiistii ee toddobaadkii inna dhaafay dalka ka ambo baxay isaga oo ku sii jeedda dalkaas Mexico ayaa waxa uu ku sii hakaday dalka Ethiopia.
Haddaba Sida lagu shaaciyey Marti-qaadka guddoomiyaha UCID uu u soo direy Xog-hayaha guud ee dalladan, Mr. Luis Ayala, waxaana shirka ajendihiisu koobsanayaa arrimo kala duwan oo khuseeya xaaladda dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed, Ammaan iyo degennaansho ee dunida, iyadoo inta uu socdo diiradda lagu saari doono qoddobo ay kamid yihiin dimuqraadiyadda iyo qaddiyadda guur-guurka iyo muhaajiriinta caalamka iyo mawqifka SI uu ka qabo arrinkaas.
Haddaba nuxurka Shirweynahaas iyo Qoddobada ku suntan Marti-qaadka xubnaha iyo weliba AJendaha lagaga hadli doono inta uu socdo, faahfaahintiisa Guji lifaaqan
Haddaba nuxurka Shirweynahaas iyo Qoddobada ku suntan Marti-qaadka xubnaha iyo weliba AJendaha lagaga hadli doono inta uu socdo, faahfaahintiisa Guji lifaaqan 2