AKHRI: Gaadhi Uu Guddoomiyaha Guurtidu La Yimid Xarunta Oo Qiimihiisa Lagu Mashquulay+Xukuumadda Oo Lingaxa Ka Furtay Kaydka Dhaqaalaha Dan-yarta Laga Uruuriyay
Hargeysa (HUbaal) – Fadhigii saaka ee golaha guurtida Somaliland ayaa ka qabsoomay xarunta golahaasi uu ku leeyahay magaaladda Hargeysa.
Guddoomiyaha Golaha guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan oo shalay uun dib ugu soo laabtay dalka Somaliland ayaa fadhigaasi shir guddoominayay, waxaana uu warbaahinta iyo mudaneyaasha hortoodaba kaga goodiyay in hadii ay guddida doorashooyinku shaaciyeen wakhtigan in aanay suurto-gal ahayn in ay qabsoonto doorasho in muddo kordhini ay lagama maarmaan tahay.
Saleebaan Maxamuud Aadan waxa uu Mudaneyaasha Aqalkaasi ujeediyay khudbad u badnayd calool adayg iyo ku ka dhac ku saabsan muddo kordhinta xukuumadda Kulmiye oo shantii sano ee loo doortay kaga eeg tahay bisha fooda
inagu soo haysa ee June dhamaadkeeda.
Erayada uu adeegsanayay guddoomiyaha Golaha guurtida Somaliland ayaa u muuqda mid ay iska arkeen xukuumadda, waxaana ku celcelinayay in ay u kordhin doonaan xukuumadda.
Intii lagu guddo jiray Aqalkaasi iyo waliba xayndaabka Labada Gole ayaa warbaahinta, xildhibaanada iyo marti sharaftu waxa ay sidoo kale mashquul ku ahaayeen gaadhi nooca raaxada ah oo meel banaan u yaalay guddoomiyaha Golaha Guurtida.
Waxa la isku raacay in uu yahay nooca qaaliga ah, hasayeeshee cida gacanta u soo gelisay Guddoomiyaha Golaha guurtida ayaa murankeedu uu tagnaa, waxaana dadka qaar ay ku doodayeen in ay tahay hor dhaca abaal marinta xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay u gacan gelisay guddoomiyaha golaha guurtida oo isagu waji bir ah ula soo baxay mudanayaasha golaha guurtida Somaliland.
Si kasta oo ay ahaataba, shaqaalaha aqalka guurtida ayaa warbaahinta iyo dadkii madasha ku sugnaa ee ay ku mudnayd in ay wax ka ogaadaan halka uu gaadhigani ka soo baxay u marin habaabiyay in ay hay’adi ugu deeqday.
Sida caadada ahna marka ay muddo kordhin iyo xeerar ay xukuumaddu u dan leedahay horyaalaan aqalkaasi waxa lingaxa laga furaa kaydka dhaqaalaha laga soo uruuriyo dan yarta Somaliland, kuwaas oo lagu rusheeyo cidii dalabka xukuumadda daabkeeda haysa.