AKHRI: Heshiis lagu kala qaatay magtii ugu horaysay Oo Dhexmartay Reer Buuhoodle iyo Qori lugud Oo Ka Dhacday Degaanka Oog

0
27

Buuhoodle (Hubaal) Waxaa maanta degmada Oog kadhacay Kulan balaadhan oo ay isugu yimaadeen laba beelood oo walaalo ah oo wada dega buuhoodle iyo qurulugud labadan beelood oo kala ah Abokor Cabdile iyo Reer Hagar waxay kawada xaalayeen dhacdo dil ah oo dhawaan labada beelood dhexmartay kana dhacday meel u dhaxaysa qorulugud iyo buuhoodle dhacdadan oo uu ku dhintay marxuum ka soo jeeda beesha Buuhoodle ee Reer hagar ayaa waxa odoyada aqoonyahanka iyo waxgaradka labadan ardaa ay kuheshiiyeen inay

oog

magta kala qaataan Dilkan dhexmaray, waxaana halkaasi ay Beesha Abokor Cabdile walaalahooda Reer Hagar kuwareejiyeen qorigii hore looga furtay marxuumkii halkaasi kudhintay iyo waliba 1000 Doolar oo ah Aaskii marxuumka 500 oo xaal ah iyo 3000 oo ah mag horteed ,Xubno kamida labadan ardaa ee maanta heshiisku dhexmaray oo kasoo kala jeeda Buuhoodle iyo qoriligud oo munaasibadan kahadlay ayaa beelaha kale ee walaalahooda ee kudhaqan Deegaamadaasi ugu baaqay inay yaguna kudaydaan isla markaana ay kaheshiiyaan colaada gaamurtay isla markaan ka shaqeeyaan wanaaga iyo nabada.
Sidoo kalena waxgarad kasoo jeeda deegaanka Oog ee kulankani kadhacayay ay labadan beelood ku amaaneen sida ay dhexdooda uga wada xaaleen mashaqadii dhexmartay,waxaanay tilmaameen inay tani tahay horumar loo qaaday dhinaca nabada.
si kastaba ha ahaatee heshiiska labadan beelood ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa oo kale ah ee dhexmara Beryihii ugu danbeeyay labada beelood ee Buuhoodle iyo qori lugud oo ay beryihii ugu danbaysay soo noqnoqnaysay shaqaaaqo iyo iska hor imaadyo dhexmara,waxaana laga yaaba inuu heshiiskan lagu kal qatay magtu u noqdo fure lagaga nasto colaadii beryii ugu danbeysay degaankaasi ka taagnayd

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here