Faallo –
Wasiirkii hore ee ganacsiga Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar ayaa shalay ku soo laabtay isla markaana ka hadlay heshiiskii dhexmaray xukuumadda iyo Muuse Biixi, isagoo sheegay in heshiiskaasi weli qabyo yahay waxna ka dhiman yihiin Maxamed Cabdillaahi Cumar oo ka soo laabtay socdaal uu ku tegay dalka Brazil oo uu si toos ah u soo daawaday bilowga tartankii ciyaaraha koobka adduunka ee dalkaasi weli kasii socda, soona maray dalka Ingiriiska, ayaa shirkiisii jaraa’id ee u horreeyey ku qabtay madaarka Cigaal ee magaalada Hargeysa, kaga hadlay mawqifkiisa ku saabsan heshiiskii dhawaanta dhexmaray Madaxweyne Siillaanyo iyo Muuse Biixi, kaas oo Muuse biixi kaga tanaasulay musharraxnimada mansabka Madaxweynaha Somaliland ee doorashooyinka soo socda.
Maxamed C/laahi Cumar oo lagu yaqaannay taageerada Muuse Biixi kuna seegay xilkii uu ka hayey golaha wasiirada, ayaa jawaabaha uu ka bixiyey shirkiisan jaraa’id ka duwan yihiin waxay dadweynaha dalka iyo debedduba ka maqleen heshiiskii dhex maray Muuse Biixi iyo Madaxweyne Siillaanyo ee ahaa in la dhameeyey heshiiskaasi waxna aanay ka qabyo ahayn, halka wasiirkaa horena sheegay in waxna la dhameeyey waxna heshiiskaasi ka qabyo yihiin, iyo sida loogu baahan yahay in mar kale la dhammaystiri doono, waxanad mooddaa in hadalkan uu ku soo toosinayo siyaasiyiin aaminsanaa in heshiiskaasi yahay mid aan dib loogu noqonayn sidaana uu ku socday, Muuse Biixina uga baxay musharraxnimada. Hadalka wasiirkaa hore ee ganacsigu imaatinkiisa dalka ku bilaabay ayaad dhinaca kale mooddaa inuu durba siyaasiyiin kale oo taabacsan dhinaca xukuumadda iyo Madaxweynaha u shaki gelinayo, una qaadan karayaan in nuxurka heshiiskaasi ee la shaaciyey wax ka dhinnaayeen. Muuse Biixi oo aan isagu marnaba ka hadal sida heshiiskaasi ahaa, wax ka dhiman iyo wax ku dheeraad ahba, go’aansadayna inuu ka tanaasulo musharraxnimada dalka ayaad dhinaca kale moodaa in Maxamed Cabdillaahi Cumar si dadban u sheegeyo diidmada heshiiskaasi jeclaan lahaana in murankaasi iyo khilaafkaasi u sii socdo, kana soo horjeedo in Muuse Biixi uu sidaa dhibta yar leh daaqadda uga baxo.
Hadalkan wasiirkaa hore ka soo yeedhay ayaa dad badani aaminsan yihiin inay sabab u ahaayeen arrimo badan oo ay isku ogaayeen Guddoomiyaha KULMIYE inuu xukuumadda kula gorgortamo , Muuse Biixina la yimaaddo shuruudo adadag oo khuseeya xidhiidhka ka dhaxayn kara xukuumadda Axmed Siillaanyo iyo beelaha ay ka soo wada jeedaan isaga iyo Muuse Biixi ay dhammaantood arrimahaasi waxba ka socon waayeen, isla markaana aanay xukuumadda ka muujinin wax dabacsanaan ah.
Ugu dambayntiina hadalka bisha barakaysan ee Ramadaanka uu dalka kula soo laabtay Maxamed C/Laahi Cumar ayaa ka duwan kii uu hore u sheegay ee ahaa in heshiiskaasi uu aqbalayo, danna uu yahay dalka iyo dadkaba sidaa darteedna u muuqda hadal uu ugu meel dayayo caqabado kale oo la hordhigo heshiiskan ay ku kala baxeen Muuse Biixi iyo Axmed Siilaanyo balse aanay dani ugu jirin Wasiirkii hore ee arrimaha debedda Somaliland.
W/Q: Weriye Maxamed Cumar Sheekh
Weriyaha Wargeyska SAXAFI Ee Gobollada Galbeedka Somaliland
Boorama , Somaliland