Maanta aad baan u faraxsanahay, runtii na haddii af Soomaaligaygu yara qaldamo waa farxadda ee ha ila yaabina, waxaana aan jeclahay in aan marka hore dadka qiimaha leh, ee miisaanka leh, ee siyaasiyiinta reer Hargeysa ah ee maanta ku soo biiray Xisbiga WADDANI in aan ku hambalyeeyo go’aankooda ah in ay xoojiyaan oo miisaamaan, aad baan ugu faraxsanaha, marka waxa kaliya ee aan hubbaa waxa weeye in kefadda siyaasadda Somaliland uu wax weyn ka bedeli doono Miisaankoodu , kefadda siyaasiga ah ee Somaliland maanta way ciirtay oo waxa ay u ciirtay xagga WADDANI, waxa aan qabbaa in munaasibaddan, xafladdani in ay astaan u tahay astaamo badan oo si dimuqraadi ah xukunka looga gala wareegaayo Xisbiga KULMIYE, waxaana aan ku tilmaami karaa in ay tahay qaswaddii ugu horreysay ee qaswatul Beder ah, hada ha yaabina, berito na waa qaswato Uxud, kuwa dambe sii sheeg sheegi maayo si aan dadka qaarkood aanu shuban ugu dhicin, walaale yaal waan kaftamayaa maanta oo waxa aan islee yahay in aanu saaxiib ahayn waan tebayaa, waa kuma ninkaasi, waa saaxiibkay xildhibbaan Cabdiraxmaan Dheere
Waxa kale oo walaaleyaal kelmad aad carabka looggu xoojiyey oo la yidhi odeyaashii hore gogasha ha ka kacaan, taana waan soo dhaweynayaa, qofka ugu horreeya ee ka kacayaana waa aniga, waxa aan ka kacayaa waa kursigii ugu sarreeyey ee Xisbiga oo aan ku soo dhaweynaayo beesha gobalka Hawd, xafladdeedii na waa maalin dhow, waxa ay saaxiibaddey diyaar u yihiin, waxa ay saaxiibaddey diyaar u yihiin in ay ka kacaan kuraasida oo ay ku soo dhaweynayaan ragga miisaanka leh, kuwa beri imanaya iyo kuwo kale ba, inta ba waan ku soo dhaweynaynaa.
“Xisbiga WADDANI, magaciisu na waa WADDANI, ujeedaddiisu na waa in uu qarankan mideeyo oo uu ka dhigo qaran la wada lee yahay, qaran aan cidna u suntanayn oo kuraasiddiisa loo siman yahay, qaran awoodihiisa loo siman yahay, qaran xuquuqdiisa loo siman yahay, dhammaanteena aynu nahay muwaadiniin wada siman, sumadda uu xisbigu u wada halgamayaa waa maamul wanaag in umaddu wada hesho, waxa aan islee yahay haddii aynu maamulka wada wanaajino wax walba waa ay innoo hagaagayaan, waxa aynu haysanaa waa ay innagu wada filnaanayaan, waxa aynu xuquuq u yeelanaynaa in aynu wada xisaabtanno, madaxda qarankana aynu la xisaabtanno, waxa aynu awood u yeelnaynaa in aynu nidaam dawladdeed oo tiirar ad adag ah aynu samaysano, waxaana aynu markaa awood u yeelanaynaa in aynu midnimaddeena iyo amnigeena aynu wada sugno, raggii hawshaas qaban lahaana raggan aynu maanta u fooladeynayno ayaa ugu horreeya, ragga beri baa ku xiga, intii hore u joogtayna waxa ay diyaar u yihiin in ay la wadaagaan talada, talada maanta lama kala laha, intayaddii hore u joogtay iyo inta beri imanaysa ba mar walba waa tallo-wadaag xisbiga WADDANI.
Waxa aan doonaynaa in Xisbiga WADDANI aanu noqon Xisbi ku meel gaadh ah, se uu noqdo Xisbi qarankani wada lee yahay oo inanka Dhahar ku nool iyo ka Taleex ku dhashay ba ay guddoomiyeyaal ka noqdaan ayaan doonaynaa, waxa aan doonaynaa in ka Saylac ku dhashay iyo ka Boorama ku dhashay ba ay madax ka noqdaan Xisbiga WADDANI, waxa aanu doonaynaa in dalkan siddii uu Daahir Ra’yaale uu madaxweyne uga noqday in cid walba ay madaxweyne uga noqoto, waxa aynu doonaynaa in aynu xisbiga na wada dhisano, qaran kana wada dhisano, walaaleyaal aad baan idiin ku mahad-naqayaa raggii iyo hablahii ku soo biiray Xisbiga WADDANI, waxa aan aad u soo dhaweynayaa qurba-jooga Xisbiga WADDANI oo aan is lee yahay waa laf dhabarta Xisbiga WADDANI, haddii ay ra’yi noqoto, haddii ay tallo noqoto iyo haddii ay dhaqaale noqota ba, waanan rajeynayaa in Qurba-jooga iyo madaxda cusubi na ay is bartaan haddii Illaahay ka dhigo.
Somaliland ha noolaato, Somaliland ha noolaato.”.