Muqdisho, (Hubaal)-Saraakiisha amaanka ee safaaradda Imaaraatka Carabta ee magaaladda Muqdisho, ayaa sheegaya inuu ka soo fakaday libaax ay ku dhex dhaqdeen xaruntoodda, isla markana loo malaynayo inuu u baxsaday degmooyinka War dhiigley iyo Boondheere ee Muqdisho.
Baxsashada Libaaxaasi ayaa waxa lala socodsiiyay Maamulada Degmooyinka, waxaana loogu baaqay in Ciidamada Degmooyinkooda ay ku wargaliyaan inay isha ku hayaan Libaaxaasi, si aanu dhibaato ugu geysan Dadka deegaanadooda ku nool.
Saraakiisha Safaaada Emirate-ka Carabta, ayaa ku wargalineysaa Ciidamada Dowlada inay dili karaan Libaaxaasi haddii ay u arkaan inuu dhibaato geysanayo ama waxyeelayo shacabka,waxaanay xuseen inay libaaxaasi ka iibsadeen dad Soomaali ah.
Dadweynaha ku nool guryaha buushasha ah ayaa cabsi weyni soo waajahday inuu libaaxaasi gabood ka dhigto guryahooda si uu amaan usoo biddo.
Safaaradan ayaa u muuqatay inay si dhuumasho leh u haysatay libaaxaasi, taas oo aanay waydiisan dawladda Soomaaliya, maadaama oo ay xuseen inay dad soomaali ah ka iibsadeen, waxaanay lagu ogaaday uun baxsashadda libaaxaasi.