AKHRI: Nuxurka Qoraal Ururrada Aan Dawliga Ahayn Ee SONSAF Ka Soo Saaray Arrimaha Doorashooyinka Somaliland

0
23

Hargeysa (Hubaal)- Ururrada aan dawliga ahayn ee Somaliland, ayaa qoraal ay soo saareen kaga hadlay arrimaha doorashooyinka iyo hannaanka dimoqraadiyadeed ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Jilayaasha aan dawliga ahayn ee ku bahoohay SONSAF maanta, ayaa lagu sheegay inay taageersan yihiin in muddo-kordhinta guurtida lagu saleeyo waqtiga sannadka ah ee Komishanku tilmaameen inay ku qaban karaan doorashooyinka.

SONSAF

Warsaxaafadeedkaas oo uu ku saxeexan yahay Agaasimaha Fulinta SONSAF Mr. Maxamed Axmed Maxamuud (Barawaani), waxa isagoo faahfaahsan u qornaa sidan;

“Shir ay isugu yimaaddeen ururrada aan dawliga ahayn ee Somaliland xarunta daladda jilayaasha aan dawliga ahayn ee SONSAF, 6 dii bisha May 2015 waxay qiimayn ku sameeyeen xaaladda dimoqraadiyadeed iyo doorashooyinka ee Somaliland. Ururradu waxay si qoto dheer uga doodeen duruufaha ku gedaaman arrimaha doorashooyinka, iyaga oo maanka ku haya in doorashadu tahay lafdhabarta hannaanka dimoqraadiyadeed ee dalka, taas oo mar walba bulshada rayidka ah door laxaad leh ka qaadato kobiciisa iyo geeddi-socodkiisa.

Ururrada aan dawliga ahayn waxay 4tii bisha May 2015 codsi u qoreen Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, iyagoo ka codsaday in laga qaybgeliyo wada-tashigyada lagaga arrinsanayo doorashada. Laakiin, nasiib-darro Golaha Guutidu ma ay tixgelin codsigaas, bulshada rayidka ahna lagama qaybgelin wada-tashiyadii laga arrinsanayey doorashada.

Dhinaca kale, ururrada aan dawliga ahayn waa daneeyayaal muhiim ah oo ay tahay in laga talo-geliyo arrimaha dimoqraadiyadda iyo doorashooyinka. Ururrada aan dawliga ahayn waxay walaac ka muujiyeen sifo kasta oo dib-u-dhac ku keeni karta hannaanka doorashooyinka.

Si kastaba ha ahaatee, sida ay qarsheeyeen Guddida Doorashooyinka Qaranku, isla markaana ku raaceen xisbiyada siyaasaddu waxa cad in aan doorashadu ku qabsoomi karin waqtigii markii hore loogu talogalay. Iyaga oo ururrada aan dawliga ahayn ka xun dib-u-dhac kasta oo doorashada ku yimaad, waxay isla qaateen in muddo-kordhinta xukuumadda iyo Golaha Wakiilladu ku salaysnaato baaqii Gudida Doorashooyinka Qaranka, kaas oo ay ku caddeeyeen inay ku qaban karaan doorashada bisha 6aad ee sannadka 2016.

Haddaba, ururrada aan dawliga ahayn waxay ka codsanayaan dhammaan daneeyayaasha dimoqraadiyadda Somaliland inay arrimaha doorashooyinka u dersaan si hufan oo aan xanaf lahayn oo ujeeddadeedu tahay dhawrista sharciga, danta guud iyo horumarka Somaliland. Sidoo kale, waxaannu ku talinayaan in mar haddii go’aanka Gudida Doorashooyinku ahaa mid farsamo ay tahay in Guurtidu ku salayso go’aan kastoo muddo-kordhineed oo ay samaynayso.

Ugu dambayn, ururrada bulshada rayidka ah waxa ay ku adag yihiin in muddo-kordhinta xukuumadda iyo Golaha Wakiillada lagu saleeyo muddada sannadka ah ee ay soo jeediyeen Gudida Doorashooyinku, isla markaana xisbiyada siyaasaddu ku raaceen.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here