Waxaa ay Sharci Darro Aan Meelna Kaga Qorneyn Qaannuunka Ku Tilmaameen Guddida Ay Dallada Ururrada Aan Dawliga Ahayn Ee SONSAF Ugu Magac-dartay Guddida Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka
Hargeysa (Hubaal) – Hogaanka Ururka Qareenada Somaliland ee SOLLA ayaa Sharci darro ku tilmaamay gudi ay dhawaan Dallada SONSAF magacwaday, gudidaasi loo bixiyey gudida xalinta khilaafadka doorashooyinka Somaliland, waxaanay ururka Qareenada Somaliland sheegen in ay gudidaasi sharci daro tahay isla markana shaqadii komishanka doorashooyinka Somaliland faraha la galeen.
Gudoomiyaha Qareenada Somaliland Qareen Maxamed Maxamuud Xaashi (Timo) ayaa ka hadlay ujeedada Shirkooda jaraa’id waxanu sheegay in ay kaga hadlayaan labba Qodob oo kala ah sharciyada gudi ay dhawaan ku dhawaqay Dallada SONSAF iyo Go’aankii uu madaxweynaha Somaliland ku kala saaray labbada doorasho ee Madaxweynaha iyo Golaha wakiillada.
Gudoomiyaha Qareenada Somaliland Qareen Maxamed Maxamuud Xaashi oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi “SONSAF waa urur aan dawli ahayn, Ururada aan dawliga ahayna waxa lagu maamula xeer nember-43, 2010. Xalinta khilaafadka doorashooyinka waxa xalintooda, ka garnaqooda iyo ku dhawaaqida Natiijada doorashooyinka iska leh Komishanka Doorashooyinka Somaliland, arrintaasina wax jideynaya xeer Nember-20. 2001 oo ah xeerka Doorashooyinka Golayaasha Deeganka iyo Madaxweynaha, khilaafka doorashadu waxay ka soo bilaamantaa Goob codbixineed kadibna waxya u soo gudubtaa Degmada, waxa kale oo ay u soo gudubta heer gobol illaa heer qaran intaasi oo jaranjaro waxa ka hadlaya Komishanka Doorashooyinka Somaliland oo shaqadaasi u xil saran, sidaasi Daraadeed Ururka SONSAF meel uu ka soo gallo xalinta Khilaafkadka Doorashooyinku ma jiro, gudidaasi ay magacabeen waa Sharcidaro ee waa in ay ka noqdan”Ayuu yidhi.
Gudoomiyihii hore Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex oo imika ka tirsan ururka qareenada Somaliland Faysal dhagodhago ayaa isaguna ka hadlay waxanau sharcidaro ku tilmaamay gudidaasi loo bixiyey gudida xalinta khilaafdka Doorashooyinka ee SONSAf magacwaday.