Akhri Oo Dhuux Macnaha Shan Odhaahood Oo Madaxweynaha Xilka America ka Degayaa Ka Yidhi Qaarada Afrika

0
101

Akhri Oo Dhuux Macnaha Shan Odhaahood Oo Madaxweynaha Xilka America ka Degayaa Ka Yidhi Qaarada Afrika

 

Barack Obama oo ah madaxwaynihii u horeeyay ee Maraykan ah ee asalkiisu Afrika ka soo jeedo ayaa isu diyaarinaya in uu jeediyo khudbaddiisii u dambaysay ee uu jeediyo isaga oo xilka haya. Waxaan dib u milicsanaynaa shan odhaahood oo ka mid ah kuwa aan la iloobin ee uu ka yidhi qaaradda Afrika:

  1. Isaga oo baarlamaanka Ghana la hadlaya 11 bishii todobaad ee 2009-ka oo ahaa socdaalkiisii ugu horreeyay ee rasmiga ahaa ee uu ku tagay qaaradda Afrika, Obama wuxu aad u dhaliilay dhaqanka Afrika ka jira ee ah af-gambiyada iyo xukunka nin keli ahi awoodda ku dhego waxaanu yidhi:

“Taariikhda waxa baal, fiican ka geliya Afrikaanka geesiyaasha ah, ka geli maayan kuwa xukunka ku qabsada af-gembiyada ama dastuurrada u bedela si ay mudada u sii dheeraystaan. Afriki waxay u baahantahay rag adag, waxay u baahantahay hay’ado dowladeed oo adag”

  1. Mudane Obama oo xusaya taariikh nololeedkii Nelson Mandella bishii Diisambar 2013 wuxu yidhi:

“Mandela wuxu garanayey waxa isku xidha quluubta bani’aadanka. Waxa jira eray halhays ka ah Koonfur Afrika, waa Ubuntu waa eray wax qabadkii Mandela ku suntan. Waa fikirkiisii ahaa in ay jiraan wax dhamaanteen inna mideeya oo ili ma qabatay ahi oo ah midnimada aadamenimo, oo ah wax lagu gaadhi karo isku damqasho iyo in dadka inala nool aynu u naxariisanno”

  1. Mudane Obama bishii Juulaay 2015 isagoo difaacaya xuquuqda dadka isku jinsiga ah ee wax iska daya mar uu booqasho ku joogay Kenya oo falalka noocaasi ahi dambi ka yihiin waxa uu yidhi:

” Muwaadinka sharciga u hogaansan ee danihiisa ku foofaya ee shaqadiisa wata, xeerarka wadooyinkana aan jabinayn ee cidna aan waxba u dhimayn in lagu takooro ama lagu waxyeeleeyo cidda ay jecelyihiin awgeed waa arrin khaldan, waana sida”

  1. 28-kii Juulaay 2015 mar uu khudbad ka jeedinayey xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa, mudane Obama wuxu dhaliilay madaxda Afrika ee xukunka isku dhejiya, waxaanu ku waaniyey in ay bartaan sida xilka looga dego.

obama” Waa inaan qofna noqon intuu noolyahay madaxweyne ahaan. Dalalkiina waxa u fiican in dad dhiig cusub oo firkadu cusub hayaa hogaamiyaann. Weli waan yarahay laakiin waxan ogahay in qof aragti cusub iyo tamar fiican qabaa dalkayga dan u yahay. Idinkana sidaasoo kalaa idiin fiican”

  1. Mudane Obama oo rajo fiican ka muujinaya saadaasha dhaqaala Afrika ayaa 21 Sibtambar 2016 isagoo ka hadlayey madashii ganacsiga Afrika iyo Maraykanka ee lagu qabtay Washting wuxu yidhi:

“Badankiinu waad ku ammaanantihiin in Afriki hore u socoto oo ay hoy u tahay dalalka dhaqaalahoodu aad u korayo qaarkood iyo dabaqadda dhexe oo la saadaalinayo inay gaadhaan in ka badan hal bilyan oo qof. Afrika sal dhig u ah shirkadaha isgaadhsiinta, farsamada tiknoolajiyada casriga ah oo waxaas oo dhan dadka wadaa yihiiin bulsho da’ yar oo aan laga helay meel kale oo dunidan guud keeda ah”.

Source:-BBCsomali

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here