AKHRI: Shirkadda Adeegyada Caafimaadka ee HUMAN CARE DIAGNOSTIC oo Soo Bandhigtay Qalab Cusub Oo Lagu Baadhayo Xanuunnada Uur-ku-jirta [Ultrasound]+DAAWO SAWIRRADA

0
102

“Waxa Ay Tabobar La Xidhiidha Qalabkan iyo ku shaqayntiisa u Fidisay In ka badan Labaatan Dhakhtar oo ka kala yimi Gobollada Dalka Somaliland”

Hargeysa (Hubaal)- Shirkadda Human Care Diagnostic iyo Shirkada Mindray oo iyagu gaar u ah bixinta adeegyada caafimaad ee bulshada ayaa tabobar la xidhiidha baadhista xanuunnada uur ku jirta u qabtay 23 Dhakhtar oo ka kala socday gobollada dalkan Somaliland.

10438836_725550300820609_224590488_n-tileTabobarkan oo nuxurkiisu ahaa qaabka iyo qalabka lagu baadhayo xanuunnada uur ku jirta ku dhaca iyo habka loogu shaqeeyo qalabka lagu eego uur ku jirta ee loo yaqaan Ultrasound, kaasi oo si (Practical iyo Theory) ah loogu tabobarayo waxa uu socon doonaa Mudo laba cisho ah.

waxaana bixinaysa Maria Ellizabeth oo Khabiir xeel dheer ku ah Cilmiga Altarasound kuna soo dhex jirtay shaqadan muddo 27 Sano ah ugu horayn waxa meeshaasi ka hadlay Maamulaha Shirkada Human Care Diagnostic Md Cali Bashiir Maxamuud C/laahi waxa kale oo ka hadlay Dr.Ciise oo ka socday wasarada caafimaadka Somaliland waxaanu ka hadlay faa’iidada uu leeyahay qalabkan cusub ee shirkadu soo bandhigtay, Looguna talo galay in lagu baadho Dadweynaha gaar ahaan dhinaca caloosha iyo Uur ku jirta. Waxa kale oo isna halkaasi ka hadlay Malthew Wang oo ka socda Shirkada Mindray waxaanu soo bandhigay Faa’iidada uu leeyahay Qalabkan Cusub ee loogu talo galay baadhista dadweynaha, waxaanu sharaxaad ka bixiyay sida ugu wanagsan ee Qalabku u soo bandhigi karo xanuunada kala duwan ee haya.

Human Care

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here