Taliyaha qaybta g/togdheer oo ka hadlay Asakar saxaafada kaga cabatay Guryaha Booliska oo la sheegay in la iibinayo,sidoo kalena waxa uu sheegay inaanu waxba kala socon iibka guryahaas +askartii oo saddex habeen xidhan
Burco (Hubaal) Shir-Jaraid Oo Uu Xafiiskiisa ku Qabtay Taliyaha Qaybta Booliska Gobalka Togdheer Gaashaanle Cabdi Muuse C/Laahi ayaa markii Ugu Horraysay ka Hadlay askar ka tirsan ka Ciidanka Poiceka Togdheer oo saxaafada ka hadashay Oo Habeen Horre Loo Taxaabay saldiaga Dhexe.
Taliyaha ayaa Sheegay inaanay waxba ka jirinwaxaa ay ku hadleenaskartaasi isla Markaasna Aanay Haba-Yaratee Wax War ah la Soo Socodsiinin Hogaanka Booliska Ee Gobalka Togdheer.
Waxaana ka mid ahaa Hadalidisii Sida Tan ” Waxaan Maanta Shirkan Jaraid u Qabtay in Aan Kaga Hadlo Askar ka Hadashay Tv-ga Horn Cable Oo Lahaa Guryihii ay Deganayeen Ciidanka Police ayay Dowladda Hoose Iibinaysaa,Waxaan Leeyahay Hadii Aanu Nahay Hogaanka Booliska Gobalka Togdheer Waxba Kama Ogin in la Iibinayo iyo in Kala Toona Guryihii Ciidanka Booliska,Guryaha Booliska Ee ay Degan Yihiin Xaasaska Ciidanku Shakhsi Qudhi ma Laha Askarina Gaar Ugama Hadli Karro Waxa Leh Dowladda Waana Guryihii Booliska,Haddi Ama Hala Dhiso ama Wax Halaga Badalo la Dhaho Waa Arrin u Taala Taliyaha Ciidanka Bilayska,Lakiin Arrin Askari Gaar ahi ka Hadli Karro Maaha,Waayo Askarigu Guraha ma Laha Ee Waa Shakhsi,Guryaha Bilaysku Waxay ka Mid Yihiin Hantida Xafiiskan Oo Kalle ayay la Mid Yihin Waana Hanti Bilaysku Leeyahay,Kolba Askarigii Xaaslay ah Ee Jooga ayaa Galaya, Askarigu miidhyaha kama hadli karo waa ka xaaraan maaha asluubta ciidan wixii ay sameeyeena waa waxa ciidanka u taala,Anigu Taliyaha Booliska Gobalka Togdheer ayaan ahay Maan Maqal in la Iibinayo Guryahiisa Hadii ay Jirtana Anigu Waxaan ka War Sugaya Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland,Lakiin Waxaanu Maanta Halkan Saxafadda Uga Cadaynaynaa ma Jirto Meel Aanu ku Sheegnay Hadii Aanu Nahay Ciidanka Booliska in Aanu Iibinayno Guryahaasi,Cid ay ka Soo Baxday ma Jirto Hadii Aanu Nahay Ciidanka Booliska Ee Kala Duwan Meel Aanu ku Sheegnay in Aanu Iibinayno Guryaha Ciidanka Booliska Burco hadii ay kasoo baxday maamul Gobolna cidii ay kasoo baxday ayaa la waydiinayaa, askarata hadashayna war aanay hubsanin oo aan ciidanimona ku haboonayn ayay ku hadleen Ayuu ” Yidhi Taliyaha Qaybta Booliska Togdheer