AKHRI: Tirada Dad Ku Naf Waayay Shaqaaqo Dhimasho iyo Dhaawac Leh Oo Dhex Martay Beelo Hoos Yimaada Qori-lugud iyo Buuhoodle  

0
40

 

Burco (Hubaal)- Saddex Qof ayaa ku dhintay, ka dib markii iska horimad laba beeleed ahi ka dhacay degaanka Qaydarka oo ka tirsan Kalshaale, una dhexeeya degaannada Qorilugud iyo Buuhoodle maanta.

 

Sida Wararku sheegayaan shaqaaqadan, ayaa bilaabantay kadib markii nin hubaysan oo ka soo jeeda degaanka Buuhoodle uu toogasho ku dilay nin ka soo jeeda Degaanka Beelaha Qorulugud shalay, dilkaasoo sababay in isla markiiba beelaha degaanka Qorulug ay dileen laba nin oo ka soo jeeda degaanka Buuhoodle.

news

Degaanka Qaydarka oo ay ka da’een dhowaan roobbabka gu’gu, waxa ku soo hayaamay dad reer guuraa ah oo ka soo kala jeeda degaannada Buuhoodle iyo Qoruludug, iyadoo xiisadda u dhexaysa dadka degaanka ku wada nool aad u kacsantahay.

 

Falka khasaaraha dhimashada ah sababay, ayaa ku beegmay xilli Wasiirka Caafimaadka Somaliland ku sugan yahay degaanka Buuhoodle, iyadoo sannado ka horna halkaas ku dagaalameen beelaha walaalaha ah ee ka soo kala jeeda Buuhoodle iyo Qorulugud, gaar ahaan degaanka Kalshaale.

 

Hubaal Media News Desk

Hargeysa, Somaliland

 

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here