AKHRI Ujeedada Uu Xambaarsan Yahay Baaq Ay Qaar Kamid ah Aqoonyahanka Garabka Dhallinyarada Gobollada Tog-Dheer & Daad-madheedh Ee Xisbiga KULMIYE U Dirayaan Madaxda Sarsare Ee Xisbigooda

0
43

Hargeysa (Hubaal) Qaar kamid ah aqoonyahanka garabka dhalinyarada ee Xisbiga Kulmiye ee gobollada Daadmadheedh iyo Tog-dheer, ayaa madaxda sare ee xisbiga talada haya ee Kulmiye usoo jeediyay talooyin ku dhereran, wax wadaqabsi iyo ka sahqaynta arrimaha xisbiga, si wadajir ah. Xubnahan dhallinyarada ah ayaa saluug ka muujiyay gaar ahaan masuuliyiinta ku jira xukuumadda xisbiga Kulmiye, kuwaasi oo ay ugu baaqeen inay kasoo jeestaan danaha gaarka ah, oo ay usoo jeesta danta guud ee xisbigu wada leeyahay. Dhallinyaradan ka tirsan xisbiga Kulmiye isugu jira aqoonyahanno iyom siyaasiinba ayaa xubnaha wasiirrada iyo xubnaha kale ee ku jira xukuumadda Xisbiga Kulmiye usoo jeediyay inay ka shaqeeyaan, isla markaana u istaagaan dhiirigelinta dhallinyarada, gaar ahaan gobollada ay kasoo jeedaan dhallinyaradani, oo sida ay ku sheegeen baaqoogan u baahan kulamo joogto ah oo ay la yeeshaan.

Photo file Guddoomiyaha Xisbiga talada Dalka Haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi

Qoraal xambaarsan baaqa oo dhallinyaradani soo gaadhsiiyeen Hubaal ayaa u dhignaa sidan;

BAAQ.        

“Aqoonyhanka garabka  dhallinyarada  ee  xisbiga KULMIYE ee gobollada Daadmadheedh Tog-dheer, Sanaag  waxaanu ugu  baaqaynaaa masuuliyiinta golaha wasiirrada,  agaasimyaasha  guud ee xukuumdda Kulmiye,  inay ka qaybqaataan dardargelinta  siyaasada xisbiga iyo isku xidhka taageerayaasha goballadaasi  taasoo aanu kala shaqayno hogaanka xisbiga  maalin iyo habeenba, balse ay wax xidhiidh ah aanaan ka helin wasiirradii gobalka iyo agaasimayaashii toona,  taasoo aanu u aragno in ay kaga mashquuleen danoahooda gaarka ka shaqaynta xisbiga iyo dardargelintii hawlha xisbiga.

Sidaa daraadeed waxaanu ugu baaqayna inay gutaan waajibaadkooda shaqo, ta qaran iyo ta xisbibi xaakimkaba maadaba lagaadhay wakhtigii kaanbayka  si mar labaad uu u hanto xisbigu kursiga madaxweunha  hadaba waxaanu usoo jeedinrynaa masuuliyiinta kor ku xasan, inay dhallinyarada taagerayaasha xisbiga ay kulama iyo xidhiidh joogto ah  la yeeshaan.

Xubnaha dhallinyarada ee baaqan diraya:

Siyaasi Khadar Fagaase.

Prof. Khadar Cali Xasan.

Prof. Maxamed Cabdikariin.

Xubin garabka dhallinyarada Kulmiye: Khalid Maxamed Cabdilaahi

Siyaasi siciid Aw Aaden Geerash

Xasan Faarax Dagaal

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here