Hargeysa (Hubaal)- Kooxda Qaramada midoobey u qaabilsan la socoshada dhaqangalka xayiraadda hubka ee saaaran Eriteriya iyo Soomaaliya oo ay Somaliland ku jirto ayaa warbixintoodii sannadlaha ay ugu diyaariyaan guddida golaha qaramada midoobey u xilsaaray Soomaaliya iyo Ereteriya waxa ay sannadkan 2014ka si weyn ugu soo qaadeen Somaliland oo sannadihii hore ku yaraan jirtay warbixintooda. Guddida oo afka qalaad lagu yidhaahdo Monitoring Group, Somaliland waxa ay si gaar ah xoogga u saareen ciidamada ay dhowaan dhistay Somaliland ee ilaalada shidaalka (OPU) iyo aragtidooda la xidhiidha raadka amni ee ay yeelan karto, iyo sidoo kale saamaynta amni ay u arkaan in ay ka dhalan karto xaaladda milateri ee gobollada Sool iyo Sanaag ee Somaliland iyo colaadda ua dhaxaysa kooxda la baxday Khaatumo iyo maamul-goboleedka Puntland iyo Somaliland, waxa aanay hoosta ka xariiqday in ay heshay xogo kooxda Khaatumo ku xidhiidhinaya ururka Al-Shabaab.
Dhismaha ciidamada OPU:
Kooxdan oo warbixintan ku dalbaday in golaha ammaanka la hordhigo, lagana dhigo dhukumanti rasmiya ayaa marka ay ka hadlayeen ciidamada Somaliland dhistay ee OPU waxa ay sheegeen in xukuumadda Somaliland ay shirkad Ingiriis ah oo gaar loo leeyahay, laguna magacaabo Assaye Risk qandaraas ku siisay in ay diyaariso shuruucda iyo nidaamka shaqo ee ciidamada ilaalada saliidda oo lagu sheegay 580 qof oo ah xoog u diyaarsan difaaca khatarta ka dhanka ah shirkadaha shidaalka sahaminaya. Shirkadda Assaye Risk waxaa lacagta qandaraaskan siinaysa shirkadda Genel Energy oo qandaraas shidaal raadinta ah kula jirta Somaliland, laakiin bishii Sabtembar si ku-meel gaadh ah shaqada u joojisay sababo amni awgood.
Warbixintu waxa ay golaha ammaanka xasuusisay qoraal hore ay ugu gudbisay oo ay ugu sheegtay in is-burin dhinaca sharciga ah iyo cidda leh awoodda bixinta rukhsadda shidaal raadinta ahi ay ka dhex jirto Somaliland iyo Soomaaliya, waxa aanay golaha ammaanka u soo jeedisay in maamullada ka jira Soomaaliya (Oo ay ku jirto Somaliland) ay ka dheeraadaan in wax qandaraasyo la xidhiidha Shidaalka ay u saxeexaan shirkadaha shidaal raadinta illaa la helo waxa ay ugu yeedheen xeerar iyo shuruuc ku habboon oo ay isla qaataan dowladda Federaalka ah iyo maamullada ka dhisan Soomaaliya. Warbixintu waxa ay ku dooday in haddii aan la joojin sii socoshada hawlaha shidaal raadinta ay ka dhalan karto khataro amni, sidaa awgeed ay ku talinayso in marka hore la helo hannaan maamul oo caalami iyo mid Soomaalida dhexdeeda ah oo lagu maamulo khilaafaadka ka dhasha khayraadka dabiiciga ah.
Warbixintan oo aad uga hadashay ciidama ilaalada shidaalka ee ay Somaliland dhowaan dhistay, balse u muuqato in xilliga la qoray ahaa markii weli qorshaha dhismuhu socday ee aanu madaxweynaha Somaliland si rasmi ah u dhisin, ayaa warbixintooda ku yidhi, “Xaqiiqdii, cutubka ilaalada shidaalka (OPU) oo dhismaheeda loo maro hannaan aan caddayn waxaa ka dhalanaya khatar la xidhiidha cidda ka mid noqonaysa, taas oo Somaliland ka hurin karta xaalado amni darro, haddii qabiilooyinka laga tirada badan yahay ay ka hor yimaaddaan sharcinimada go’aanka ay dowladdu rukhsadda shidaal raadinta ku bixinayso, waxa aanay taasi faa’ido u tahay Al-Shabaab” In kasta oo kooxda Monitoring Group ay warbixinteedan ku talisay in la joojiyo dhammaan hawlaha shidaal qodista, illaa Soomaaliya laga hirgelinayo hannaan iyo shuruuc lagu maamulayo khayraadka dabiiciga ah, isla markaana ay naqdiday dhismaha ciidamada OPU, haddana meel dambe waxa ay guddidu ku caddaysay in cabsidan ay qabtaa, aanay dafirayn baahida loo qabo ciidamo ammaan oo ilaaliya shaqaalaha shidaalka, haddii hawshan sahaminta shidaalku sii socoto.
Genel Energy iyo amnigeeda:
Qodobka 112. Ee warbixintan waxaa lagu sheegay in sababta ay shirkadda Genel Energy si-ku-meel gaadh ah ugu joojisay shaqadii ay ka wadday Somaliland ay la xidhiidho amniga, iyada oo ka garaabaysa xaaladahaas amnigana waxa ay warbixintu tidhi, “Xaqiiqdii, Monitoring Group waxa ay ka warhaysaa eed la xidhiidha shirqool lagu xidhiidhiyey Sheekh Axmed Siciid Jaar oo ah ganacsade deggen magaalada Burco, oo bishii Ogost 2013kii loo xidhay tuhunno ah in uu isku-duwayey weerar hubaysan oo la filayo in lala maagganaa kolonyo ay la socdeen shaqaalaha shirkadda Genel. In kasta oo ay xukuumadda Somaliland xaqiijisay in xadhiga Jaar uu la xidhiidho mu’aamaraddan iyo eedo la xidhiidha in uu xidhiidh la leeyahay Alshabaab, haddana masuuliyiinta Somaliland waxa ay ku adkaysanayaan, in khatarta ka dhanka ah Genel aanay ahayn mid gaadhsiisan heer shaqadii shirkadda la joojiyo, iyo in aanay jirin caddaymo sugan oo ka dhan ah Jaar, oo markii dambe la iska sii daayey” Monitoring Group intaas kagama ay hadhin sheekada muwaadinkan iyo eedaha ay xukuumaddu sheegtay in loo xidhay, balse xagga hoose ee warbixinta waxa ay ku sii iftiimisay faahfaahin dheeraad ah oo ay ku tidhi, “Agaasimaha sirdoonka Somaliland, Jaamac Bootaan, ayaa horraantii bishii Diisambar 2013ka, Guddida Monitoring Group ku wargeyliyey in Jaar (Sheekh Axmed Siciid Jaar) looga shakhiyey in uu ku lug lahaa shirqool lagu weerarayey shaqaalaha Genel, iyada oo la adeegsanayo walxaha qarxa iyo in sidoo kale la af-duubo shaqaalaha shisheeyaha ah. laakiin maadaama oo shirqoolkan lagu war helay isaga oo uu diyaar-garowgiisu bilow yahay, ay cadaymaha maragga ku noqon kara ee la heli karayey aad u yaraayeen. Si kastaba ha ahaato ee Jaar, dabagal ayaa lagu sameeyey, waxaana la diiwaangeliyey in uu talefanka sheeko kula wadaagay shakhsiyaad xidhiidh la leh Al-shabaab. Sida uu Botaan sheegay” Dhinaca kalana guddidu waxa ay warbixintan ku sheegtay in qoraal E-mail ah oo ay 25kii Juun 2014ka ka heleen masuul ay ku magacowday Atto Kooshin oo ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha uu ku yidhi, “Shakhsigan (Axmed Siciid Jaar) dhowr jeer ayaa la xidhay, laakiin waa la sii daayey markii la waayey marag ku filan in eedahan lagu maxkamadeeyo” Kooxda Monitoring Group in kasta oo ay soo xigteen agaasimaha sirdoonka Qaranka ee Somaliland iyo Md. Kooshin, haddana waxa ay ku cawdeen in sirdoonka Somaliland iyo wasaaradda arrimaha guduhuba aanay siinin xogta la xidhiidha shirqoolkaas la sheegay ama hawlgalkaas ka dhanka ah Jaar oo dhamaystiran. Waxase ay caddeeyeen in ilo ku dhow-dhow madaxtooyada iyo saraakiil ka tirsanaa sirdoonkii hore ee Somaliland oo la waraystay 2013kii, ay u sheegeen in madaxtooyadu ay masuuliyiinta dowladda ku amartay in aanay sheegin xaqiiqada la xidhiidha hoos u dhaca ammaanka, iyaga oo ka cabsi qaba in ay dhaawacayso sawirka Somaliland ee ah in ay tahay deegaan u xasiloon ganacsiga caalamiga ah.
Khaatumo:
“Tan iyo markii Cabdiweli Maxamed Cali Gaas loo doortay madaxweynaha maamulka Puntland bishii Jeenaweri 2014ka, waxaa muuqatay in Puntland ay dib u soo celisay colaaddii buuxday ee ay kala soo horjeedday Khaatumo, hoggaamiyeyaashii hore ee Khaatumo ayaa uu xukuumadda ku daray, kuwo kalana waxa uu ku guulaystay in ay ka soo goostaan Khaatumo. Si kastaba ha ahaato ee istaraatijiyaddaas la soo bixista xubnaha Khaatumo ah oo qayb ka ah istaraatijiyad ballaadhan oo uu Madaxweyne Gaas ku doonayo in uu mideeyo beesha Hartiga, sida Dhulbahante iyo Warsangeli ee dega Sool iyo Sanaag (Si ay Puntland ugu biiraan) ayaa markiiba cirka geysay dareenkii colaadeed ee u dhexeeyey Puntland iyo Somaliland.” Ayaa lagu yidhi warbixintan loo diyaariyey guddida golaha ammaanka ee qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya iyo Itoobiya. Iyada oo ka hadlaysa xidhiidh ka dhexeeya Khaatumo iyo Al-Shabaab na waxaa lagu yidhi, “18kii Juun 2014ka, Monitoring Group waxa ay heshay warbixin ku saabsan maleeshiyo Khaatumo ka tirsan oo lagu dhisayey meel 30 Kilomitir Koonfur-galbeed ka xigta Taleex, waxa ay wateen tiro aan cayinnayn oo ah gaadiidka dagaalka oo sida muuqata ka yimi dhinaca xadka Puntland oo dhanka bari ka xiga magaalada Taleex. Monitoring Group waxa ay heshay war sheegaya in gaadiidkaas dagaalka uu bixiyey Ciise Yullux, oo ah hoggaamiye budhcad-badeed oo ay Monitoring Group ogaatay in uu xidhiidh la leeyahay shabakado hubka kontarabaaniya iyo Al-Shabaab, sida la sheegayana waxaa cafis u fidisay dowladda Puntland”
Warbixinta oo mar kale ka hadlaysa xidhiidh ka dhexeeya Khaatumo iyo Al-Shabaab waxa ay tidhi, “Dad Indho-Sheel ku dhow ayaa Monitoring Group u sheegay in intii lagu dhex jiray 2014kii, uu xidhiidh fiican oo joogto ah la lahaa Cabdifataax Maxamed Cali oo dhul-bahante ah, horena u ahaan jiray masuulka dhaqaalaha ee ururkii baaba’ay ee Xizbul Islaam. Cabdifataax Muqidisho ayaa uu joogaa tan iyo sannadkii 2013kii markii uu isla soo dhiibay hoggaamiyaha Al-Shabaab Xasan Daahir Aweys” imikana waxa uu isku xidhaa Dowladda Federaalka ah iyo shabakadaha Al-Shabaab ee danaynaya in ay goostaan…” warbixintan oo arrintan ka sii hadlaysa ayaa meel kale ku tidhi, “Ugu yaraan laba qof oo yaqaanna Cabdifataax ayaa sheegay in uu kulan gaar ahaa, si badheedh ah uga dhex caddeeyey in uu taageero dhaq-dhaqaaqa Khaatumo. Cabdifataax oo ay isku xidhan yihiin Indho-sheel waxa uu sidoo kale xidhiidh la leeyahay Cabdullaahi Axmed Maxamuud (Carabey) oo Dhulbahante ah, kana tirsanaa Amniyaat ka Al-shabaab ka hor intii aanay Somaliland qaban sannadkii 2014ka. Talefanka gacanta ee Carabey oo ay Somaliland ka qaadday, qaybtiisa talefannada waxaa ku jira lambarka Cabdifataax”
Warbixintan qaybta khaatumo khusaysa waxa aynu ku soo koobaynaa walaacan ay warbixintu ka muujisay xidhiidhadan, “Xidhiidhada aynu kor ku soo xusnay awgood, Monitoring Group waxa ay ka walaacsan tahay, in taageerada ay dowladda Federaalka ahi siinayso Khaatumo, oo hoggaamiyeyaasheeda Muqdisho lagu soo dhoweeyey 2014ka markii uu Indho-sheel tegey in ay si dadban ugu faa’idaynayso Al-Shabaab”
XIGASHO: GEESKA