Muqdisho (Hubaal)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhawayd ku dhawaaqay raysal wasaaraha cusub ee xukuumaddiisa isaga oo si rasmi ah ugu magacaabay Ra’iisul wasaaraha cusub Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo dawladii hore ee Sheekh Shariif xilkan kazoo qaybat.
Munaasabad lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Qaranka oo ay ka qeyb galeen Xildhibaanno iyo Mas’uuliyiin kale ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu Ra’iisul wasaaraha dalka u magacaabay mudane Cumar Cabdirashiid Cali.
Madaxweynaha ayaa u rajeeyay Ra’iisul wasaaraha cusub in uu ka soo dhalaalo howlaha Qaran ee loo igmaday, isla markaana uu soo dhiso xukuumad tayo leh oo dalka gaarsiisa hiigsiga sanadka 2016-ka.
Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha xilkan adag ee uu u magacaabay, waxaana uu balan qaaday in uu wax badan qaban doono, isla markaana uu dalka gaarsiin doono inay ka dhacdo doorasho xor ah, marka la gaaro sanadka 2016-ka.
Ra’iisul wasaaraha cusub oo 54 jir ah ayaa dhashay 19-kii June ee sanadkii 1960, waxaana 13-kii February sanadkii 2009-ka loo magacaabay in uu noqdo Ra’iisul wasaaraha KMG ah ee dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.